Balan-qaadkii Labaad Ee Guddoomiye Cirro Uu Oodweyne Ugu Sameeyay Ardaagiisa Haddii uu Guulaysto
Jaantuskaย Waxa Lagu Kala Fadilay Beelaha Oo Qaarna Taash La Saaray Kuwo kalenaย la Taseeyay
Hargeysa (DAWAN)-Xisbiga WADDANI ayaa sameeyayย jaan-tus ay ku muujiyeen khariiradย qabyaaladeed oo ayย alifeen oo tusmaynaysa In Beesha Guddoomiye Cirro ay tahayย ardaagaย ย deegaan ahaan ugu balaadhanย Goboladda Somaliland, taasina ay u horseedayso inuu si fudud ugu guulaysto doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo badhtamaha sannadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka.
Khariiradaas WADDANI sameeyay oo lagu faafiyay mareegaha ku xidhan ee taageera xisbigaasi oo ay ugu horayso shabakadda la yidhaahdo medeshivalley.com, waxa lagu soo bandhigay jaan-tuska khariirad beello loogu kala qoqobay laguna kala fadilayย shacbiga Somaliland, waxaana laga dhigay in beesha galbeedka Burco ee Guddoomiyaha WADDANI tahay beesha ugu deegaan- balaadhan dalka oo dhan, isla markaana aanu xiligan wax wer-wer ah ka qabin inuu ku guulaysanayo doorashada madaxtinimadda,ย isagoo aan u baahnayn beelaha kaleย ee wadanka degan, khariiradaasi waxa lagu xardhay midibka liimiga ah (Orang) ee xisniga WADDANI oo si gaar ah loogu calaamadiyayย Beesha Guddoomiyuhu ka soo jeedo.
Shaxdan waxa lagu xaqiray beelaha kale ee Somaliland ooย laga dhigay qaar aad uga deegaamo yar beesha galbeedka Burco, iyadoo beelaha qaarkood lagu calaamadiyay kaliya bar-madow,halka kuwo kale aad loogu soo koobay juquraafi ahaan deegaanka uu ALLE ku uumay.ย khariirad beeleedka WADDANI waxay sii xoojinaysaa shakigii iyo walaaca shacbi badani ka qabaan xisbiga WADDANI oo ku suntamay xisbi beeleed, taasina ay nusqaan ku tahay gedi-socodka dimuqraadiyadda iyo waajibaadkii iyo himiladii loo sameeyay axsaabta qaranka oo ahayd inaynu iska-rogno heeryadda qabaliga ah ee lagaga soo dhaqmi jiray wadankeenna mudada dheer.
khariiradan oo ay ku faro yaraysteen koox xirfadda IT-ga u qaabilsan WADDANI, waxa loogu tallo-galay in laguย majaro habaabiyo qurbo-jooga Somaliland, iyadoo qasdigu yahay in shax lagu soo bandhigo beelaha uu WADDANI codka ka doonayo oo lagu sheegay inay tahay beesha galbeedka Burco iyo beelaha kale oo lagu tilaamayย wixii ka soo raaca, hase yeeshee waxa jaantuskan loogu tallo-galay jn dhaqaale lagaga soo gurto qurbo-jooga dibadda ee taabacsan WADDANI.
Dhacdadan oo lagu baahiyay tobaneeyo ka mid ah shabakadaha inter-net-ka ee WADDANI afkooda ku hadla ayaaย noqotay fadeexad hor leh oo xisbiga WADDANI la soo daristay, xili uu olole ugu jiray inuu iska maydhoย eedaymaha qoysnimo ee lagu xidhiidhiyo.
Sidoo kale waxa ilo war-galeen ahi u xaqiijiyeen wargeyskaย DAWAN, in Guddoomiye Cirro markii uu dhawaan socdaalka ku tagay gobolada Togdheer iyo Oodweyne, uu waxgaradka iyo dhalinyarrada reer Oodweyne u balan-qaaday in haddii ay xisbigiisu ku guulaysto doorashadda inuuย sannadka koowaadba uu gobolka DAAD-MADHEEDHย ka dhigo doono gobol horumarsan oo istaraataji ah, iyadoo uu xusay inuu samayn doono saddex waddo oo isku xidha Burco iyo Oodweyne, Hargeysa Iyo Oodweyne iyo Berbera iyo Oodweyne. Iyadoo ay hore u jirtay inuu mid ka mid ah ardaayada beeshiisa oo uu dhawaan kula kulmay waxgaradkooda Magaaladda Hargeysa uu iyana u balan-qaaday inuu siin doono saamiga beeli ay dawlad ka hesho ka ugu weyn.