Nayjeeriya: Masjid lagu Weeraray Qaraxyo iyo Rasaas

0
390

Tobanaan qof ayaa dhintay kadib markii qoryo iyo bamam lagu weeraray mid ka mid ah  masaajida waaweyn ee ku yaal magaalada Nayjeeriya ee Kano jimcihii.
Dad kale oo badan ayaa dhaawacmay sida uu sheegay qof ahaa shaqaalihii gurmadka ilaa 200 ayuu gaadhayaa dhaawacau.
Waxa la sheegayaa inuu masjidkaasi ahaa mid uu badanaa imaam ka yahay hoggaamiyaha muslimiinta ee saameynta badan ku leh dalkaasi Amiirka Kano.
Amiirka ayaa dhawaan ugu baaqay dadka in ay hubka qaataan oo ay iska celiyaan maleeshiyada  kooxda  Boko Haram.
Sida oo kale qarax ka dhacay  gobolka Adamawa ayaa  la  sheegay in inta badan dadka ku waxyeeloobay ay ahaayeen rayid.
Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Maraba ee u dhow magaalada Mubi, taasi oo ku taalla soohdinta ay Nigeria la leedahay Cameroon.
Deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa lagu soo rogay bandow 24 saac ah.
Bishii lasoo dhaafay, dagaalyahannada Boko Xaraam ayaa qabsaday magaalada Mubi, waxaana ay isku dayeen in ay ku dhowaadaan caasimada gobolka ee Yola.
Balse ciidammada Nigeria oo gacan ka helaya maleeshiyaad deegaanka u dhashay ayaa horraantii todobaadkan dib u qabsaday magaalada Mubi, waxaana ay baacsadeen dagaalyahannada Boko Xaraam.
Weerarrada Boko Xaraam ayaa u muuqda kuwa aan joogsaneynin.
SalaaSadii lasoo dhaafay, laba dumar ah oo isku soo xidhay walxaha qarxa ayaa weeraray suuq ku yaalla magaalada Maiduguri ee gobolka Borno, waxaana halkaa ay ku dileen dad ka badan 70 qof.
Todobaadkii lasoo dhaafayna, Boko Xaraam ayaa laba weerar ku dishay dad ku dhow 100 qof, kuwaas oo qarkood ay gawraceen, halka kuwa kalana ay ku baqtiiyeen harada Chad.

Leave a Reply