Hogaamiyayaasha dhanka diimaha ee wadanka Masar ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaan dhismaha biyo xidheenka Itoobiya, kaasoo laga kor dhisayo biyaha webiga Niil-ka, waxana ay caddeeyeen in dhismaha biyo xidheenka aanu wax waxyeelo ah u gaysanayn maslaxadda Dalka Masar.
Hogaamiyayaasha qowmiyadaha Islaamka iyo masiixiyiintaba leh ee ku dhaqan dalka Masar ayaa kulan ay maalintii Khamiista isugu yimaadeen waxay cadeeyeen in maslaxadaha labada dal ee toobiya iyo Masar ay isku xidhnaani ka dhexayso, taasoo dabada ku haysa muddo qarniyo ah.
Sheekh Axmed Al Masri oo ah wadaadka madaxa ka ah hay’adda islaamiga ah ee dhanka kheyraadka ayaa tilmaamay in Masar taageero la dhinac taagan tahay qorshayaasha Itoobiya kaga faa’iidaynayso Biyaha webiga niilka
Qibdiga Kaniisadda Ortodox-ka ah ayaa dhankiisa waxa uu xusay in horumarinta mashaariicda ay Itoobiya ka waddo biyaha webiga Niil-ku aanay ahayn kuwo waxyeelo u gaysanaya Maslaxadda ay leedahay dawladda Masar.
Baaderigu waxa uu dib u eegay mashaariicdii kan la mid ahayd ee ay Masar lafteedu hore uga dul samaysay Biyaha webiga Niilka waxana isagoo arintaa ka hadlaya uu yidhi: ” Masar waxay hadda ka hor webiga ka samaysay horumar kan Itoobiya la mid ah, waana lama huraan in taageero la siiyo dhismaha biyo xidheenka itoobiya, shacabka Masar-na waxay dhinac taagan yihiin biyo xidheenka ay Itoobiya ka dhisayso webiga dushiisa si ay u hagaajiso nolosha muwaadiniinteeda, mana aha ficilkaasi mid ay ku waxyeelaynayso Dalkayaga Masar’.
Dhankiisana Mr Abadula Jemada oo horkacaya wefti reer Itoobiya ah oo xiligan masar ku sugan ayaa sheegay in qorshe kasta oo laga fulinayo biyaha webiga Niilku uu noqdo mid ka turjumaya iskaashi iyo horumar la wadaago, laakiin aanu lug ku yeelan iska hor imaado iyo is collaysi
Sida la ogyahay Biyo xidheenka weyn ee ay dawladda Itoobiya ka dul dhisayso biyaha webiga Niilku waxa uu socday tan iyo sanadkii 2012 iyadoo bulshada dalalka Gobolka oo ay ka mid yihiin ganacsato reer Somaliland ahi ay ku wada darsadeen saamiyo kala duwan mashruucaasi oo la filayo inuu illaa xad soo afjari doono baahidii dhanka Laydh tiriiga ee ka jirtay Gobolka Afrikada Bari,isla markaana illaa hadda laydh yaraantu ay caqabad ku tahay maalgashi shisheeye oo lagula dhiirado dalalka gobolka ku yaalla.
Dawlada federaalka ku dhisan ee Itoobiya ayaa dhowaan ku xidhay goobta laga dhisayo Biyo xidheenka qalab la shaqeeya Sattlite-ka kaasoo gaadh ka haynaya in biyo xidheenku la kulmo dhibaatooyinka rabbaaniga ah sida Fatahaado waaweyn oo webigu sameeyo.
Dr Dereba oo madax ka ah wakaalada sahaminta hawada iyo digniinta degdega ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA in si loo dayactiro oo loo badbaadiyo mashruuca biyo xidheenka loo soo iibiyey qalab raadaar ah oo qiimahiisu dhan yahay 80 Malyuun oo lacagta Birta ah ee itoobiya ah,ka dib markii gacan laga helay Baanka adduunka, qalabkaas oo digniino hore ka bixinaya masiibooyinka ku iman kara biyo xidheenka, isagoo intaa ku daray in Wakaaladiisu ku talo jirto inay lix raadaar oo kale soo iibsato
Madaxa raadaarada ee wakaalada sahaminta hawada ee wadankaasi ayaa isna waxa uu cadeeyey in raadaarada hadda la hawlgeliyey ay awood u leeyihiin inay digniin ka bixiyaan dhibaatooyinka dabiiciga ah ee iman kara iyagoo ka ogaan kara masaafo 250 KM ah.
Wakaaladda Sahaminta hawada ee wadanka Itoobiya oo tan iyo sanadkii 1981-kii u shaqaynaysay si madax banaan ayaa suurogelisay in Dalku ka faa’iidaysto tiknoolajiyadda casriga ah ee sahaminta hawada, iyadoo in ka badan 1200 oo xarumood oo lagu kaantaroolo hawada ay xiligan ka jiraan dalweynaha Itoobiya.