Wejigii Saddexaad ee Wadahadaladii K/Sudan oo Furmay

0
436

Wareegii koobaad ee wejigii sadexaad ee wadahadaladii dhinacyada ku dagaalamaya Jamhuuriyadda K/Sudan ee ay gacanta ku haysay IGAD  ayaa goor dambe oo khamiistii ahayd ka furmay Magaalada addis-Ababa.
wadahadaladan waxaa lagu eegayaa sidii loo dhisi lahaa Xukuumad midnimo qaran oo ku meel gaadh ah, loona qaybsan lahaa awoodda, Hantida iyo kheyraadka/
Wakiilka Beesha caalamku u wakiilatay wadahadaladaasi Asiyu Masfin oo sidoo kale ah ergay gaarka ah ee K/Sudan ayaa furitaankii wadahadalada waxa uu sheegay in labada dhinacba ku xadgudbeen xabad joojintii qaybta ka haydheshiisyadii hore, taasina ay niyadjab ku ridayso Ururka IGAD iyo beesha caalamka-ba.
Raysalwasaaraha Itoobiya ahna Gudoomiyaha Ururka IGAD ee Sanadkan Hayle marian ayaa kulankan furmay ka hor waxa uu isaga dab qaadayey labada dhinac taasoo soo dhoweysay in laga talaabsado caqabado badan oo hortaagnaan lahaa qabsoomida wejiga sadexaad ee wadahadaladani
furitaankii kulankaa dhamaan madaxda ka hadashay waxay ku dheeraatay sida xiligani u yahay mid khilaafaadka ka jira Qaaradda Afrika ay Xalintooda u taallo dadka afrikaanka ah oo keliya waxana ay ku adkeeyeen dhinacyada K/Sudan in aanay luminin fursadaha muuqda ee nabad waarta lagaga gaadhi karo Dalkii ugu dambeeyey ee Qaaradda ka mid noqda.
 

Leave a Reply