Wasiir Ku Dhaliilay Mucaaridka In Siyaasadoodu Aanay Lahayn Biri Magaydo

0
322

Hargeysa (Dawan):- Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Mudane Bashiir Cabdi Xariir ayaa Xisbiyada Mucaaridka ah ku eedeeyay in ay ku Mashquuleen sidii ay Xukuumada talada haysa ay uga fidin lahaayeen Borobogaandho iyo warar aan sal iyo raad toona lahayn.
Wasiir Bashiir  ayaa Xisbiyada Mucaaridka ah ku  dhaliilay halka ay ka taagan yihiin Qaranimada Somaliland, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in  Mucaaridku kala saaraan oo ay kala gartaan Xukuumada talada haysa iyo Qaranimada Somaliland.
Wasiir Bashiir Cabdi Xariir oo shalay Xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta ayaa Xisbiyada Mucaaridka ah u soo jeediyay in aanay taageerin hadalada ka soo yeedhaya Cadawga Somaliland islamarkaana loo baahan yahay in Mucaaridku ay Xukuumada la soo saftaan marka ay timaado in la difaaco Qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland.
Wasiir Ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Meel wax lagu cunay horta Horumar laguma qabto, wax la cunay iyo wax la qabtay labadaa  mid uun bay noqonayaan, markaa imika waxqabad baa jira, Xisbiyada Mucaaridka ahina hadh iyo habeen waxay u taagan yihiin inay Saaxada  ka muuqdaan oo ay dadkooda wax u sheegaan  halkii looga baahnaa in dadka ay wax u sheegaan sanadkii ugu dambeeyay baynu ku jirnaaye , wixii ay qabanayaan iyo qorshohooda siyaasadeed iyo ka horumarineed ee ay Dalka ku hogaamin doonaan, waxaad moodaa Borobogaadho ku saabsan  Xukuumada oo ah waxbay lunsatay iyo waxbay cuntay, inuu qorshohoodu ka noqday,”
Wasiir Bashiir oo ka ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay Jamaal Cali Xuseen ayaa wuxuu yidhi:-“Waxaan arkayay Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayay oo leh Masuuliyiin badan oo Dawlada ka tirsan baa Muqdisho Guryo ka dhistay, waxa ka macquulsanaan lahayd isagoo yidhaa Ingiriiskay ka dhisteen, waayo Qofka Somalilander-ka ahi rumaysan maayo in Qof Somaliland ahi uu Xamar Aqal ka dhistay, dadkii reer Somaliland ee  lixdankii guryaha ku lahaa ayaa shilimo yar ku soo Xaraashaya oo ka soo guuraya,  markaa Qof  reer Somaliland ah oo maanta Xamar Guri ka dhisanayaa Muwaadinka caadiga ahna ha ahaadee  ma jiro, Marka aad kaa soo kale aragto oo ah Aragti aad iyo aad u gaaban  waxaad garanaysaa in aanay  sal iyo raad toona lahayn, waxa loo baahan yahay in la kala saaro wixii Borobogaandhada ah iyo wixii runta ah  ee ay Qofka Muwaadinka ah  ku kasban karaan Xisbiyada Mucaaridka ahi, waa in ay noqdaan wax la taaban karo”.
Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland ayaa Xisbiyada Mucaaridka ah u soo jeediyay in ay Xukuumada ku taageeraan sidii sharciga loo marin lahaa cid kasta oo ka hor timaad Qaranimada Somaliland  wuxuuna  yidhi  “Waxa weeyaan In aynu yeelanyo wax bir magaydo ah, oo aan la taaban Karin dhaqankaa Birmagaydo lahaa, Waxyaabaha Qaranimada taabanaya ayaa ka mid ah haddii dhexdeena khilaaf ka bilaabmo oo Gobolada qaarkood cid Qaranimada ka soo horjeedaa ka dhalato oo Somalilandnimada dafirtay,  waxa looga baahan yahay Xisbiyada Mucaaridka ah in ay Xukuumada Saf la soo galaan, oo ay yidhaahdaan Ninkaasi wuxuu ka baxay is raacii uu dadku gaadhay, hadii uu ku soo noqon waayo waxaanu xukuumada ku raacsanahay  in sharciga la mariyo laakiin in ay la soo saftaan oo Borobogaandhadiisa xoojiyaan maaha, Hadii Muqdisho ina soo faro-galiso oo shirkadaha Ajaanibka ah ee  Dalkeena Macdanta ka qodaya ka hadlaan oo Wasiirka Xamar joogaa ka hadlo oo uu yidhaahdo sharciga  joojiyo maaha iyaguna inay la soo saftaan oo yidhaahdaan isagaa hagaagsan ee waa inay Dalkeena faraha kala baxaan weeyaan inay yidhaahdaan markaa runtii waxaynu u baahanahay in ay Xisbiyada Mucaaridka ahi isku yimaadaan oo Golayaasha Qaranku iskaga yimaadaan oo ay Xukuumadu ka qayb gasho oo aynu dhiganaa wax aynaan ka gudbi Karin oo aynu wada ilaashanaa Qaranimada.
Maanta dadka ayaa xukumaya oo runtii  Xisbiyada Mucaaridka  waxyaalahaa aan u kala soocnayn ee arimaha gudaheena ah ee ay mid walbi si khaldan uga hadlayaan iyagoo aan kala garanayn Qaranimadii iyo Xukuumadii , waxaan u arkaa in  dad badani kaga fogaadeen”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply