Madaxwaynaha Talyaaniga oo Is casilay

0
382

Madaxwaynaha Talyaanigu waxa uu leeyahay taariikh dheer oo siyaasadeed, waxa uuna siyaasada ku jiray tan iyo 1950.
Madaxwaynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano, ayaa is casilay.
Napolitano oo sideetan iyo sagaal jir ah ayaa sheegay bishii hore in xilka uu banayn doono kahor inta uusan wakhtigiisu dhamaanin, arrintaas oo uu ku sababeeyay da’diisa iyo caafimaadkiisa.
Xiliga uu talada haynayo ayaa ku eg labada kun iyo labaatanka.
Napolitano ayaa si cago-jiid ah u ogolaaday in uu xilka qabto markii labaad sanadkii 2013, si uu u soo afjaro ismariwaagii baarlamaanka ee doorashada madaxwaynenimada ku saabsanayd.
Madaxwaynaha Talyaaniga waxaa doorta baarlamaanka wuxuuna leeyahay awoodo waawayn oo ay ka mid yihiin in uu soo magacaabo Rai’sal wasaaraha.
 

Leave a Reply