Boqor Xuseen: Basaaskii CIA ugu Mushaharka Badanaa

0
674

Boqor Xuseenkii Jordan ayaa noqday basaaskii ugu caansana uguna halista badnaa ee bariga dhexe uga sheqeeya CIA. Wargeyska Washington Post  ayaa markii ugu horaysay daabacay cinwaanka “CIA Paid Millions to Jordan’s King Hussein (Feb. 18, 1977)”, “ CIA oo siisay Millions doller Boqorka Jordan”.  Agaasimaha wargeyska ayaa mar danbe isna ku soo bandhigay xusuusqorkiisa basaasidda boqorka. Suxufiga iyo qoraaga caanka ah ee Masar Maxamed Xasanayn Al-Haykal oo ah asaasaha wargeyska Al-Haram ee dawaldda Masar, marna noqday wasiirka warfaafinta ee dalkaasi, ayaa isna ku qoray buugiisa cusub ee laguna magacaabo “ Dhowaaqa Siyaasadda” inuu boqorku ahaa basaas u sheqaynayay CIA iyo Yuhuudda.  Boqorka ayaa bilaabay basaasidda sanadkii 1957-ki. Waxaana sidaasi cadeeyay suxufiga weyn ee Maraykanka  ee Bope wood oo ah wariyihii fashiliyay ceebtii Watergate ee ku dhacday madaxweynihii Maraykanka ee Richard Nixon.  Waxaana uu sheegay in boqorku u gudbiyay Mosada Yuhuudda diyaargarawga Masar ee ka talaabistii kanaalka dagaalkii 1973. Boqorka ayay CIA bil kasta siin jirtay Hal Milyan oo doller, iyadoo markii danbe uu waxyar ka dhimay Madaxweynihii Jimmy Charter.  Magaca CIA ee boqorku ku hawlgeli jiray ayaa ahaa Master Beef. Magacaasi oo ku jira tobanka basaas ee ugu caansan CIA.

Leave a Reply