Qore Khadar M. Xaashi
Hargeysa (Dawan) Qiimeyn iyo kormeer hordhac ah ayaa lagu sameeyay mashaariic waaweyn oo lagu horumarinayo kaabeyaasha magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha waddada xaafadda 150-ka iyo biriishyo cusub, iyadoo mashaariicdan qayb ka yihiin Mashruuca SURP-II. Kormeerka waxaa sameeyay Duqa Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), masuuliyiin ka tirsan Dawladda Hoose iyo injineerro ka socda UNOPS, oo wakiil ka ahaa taageerada Baanka Adduunka.
Mashaariicdan ayaa la filayaa inay wax weyn ka tari doonaan fududaynta isu-socodka gaadiidka iyo dadka, yaraynta cidhiidhiga waddooyinka iyo isku xidhka xaafadaha kala duwan ee caasimadda, gaar ahaan meelaha baahida weyn u qaba waddooyin iyo biriishyo casri ah. Kormeerka ayaa sidoo kale hordhac u ah nashqadaynta, qorshaynta iyo diyaarinta hirgelinta mashaariicda, iyadoo la eegayo xaaladda dhulka, baahida bulshada iyo sida ugu habboon ee waddooyinka iyo biriishyada cusub loogu xidhi karo isu-socodka guud ee caasimadda.
Duqa Hargeysa ayaa hoosta ka xariiqey muhiimadda Mashruuca SURP-II, isaga oo sheegay in uu door muhiim ah ka qaadanayo casriyeynta kaabeyaasha magaalada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah, taas oo si toos ah u taabanaysa nolosha iyo dhaqaalaha bulshada. Dhismaha waddada 150-ka iyo biriishyada cusub ayaa si gaar ah muhiim ugu ah ganacsatada, gaadiidleyda, ardayda, shaqaalaha iyo qoysaska ku nool xaafadaha ay mashaariicdu saamaynayaan, maadaama waddooyin wanaagsan ay fududeeyaan isu-socodka, gaadiidka badeecadaha iyo helitaanka adeegyada muhiimka ah.
Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa sidoo kale wada dadaallo lagu dardargelinayo horumarinta waddooyinka iyo kaabeyaasha magaalada, iyadoo mudnaanta la siinayo mashaariicda wax ka qaban kara caqabadaha isu-socodka iyo kobcin kara bilicda iyo adeegyada caasimadda.



















