Golaha Guurtidda oo Ka Digtay Qabyaaladda Dawladana ugu Baaqay in Wax-laga-qabato

0
8

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Golaha Guurtida Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay xaaladda siyaasadda iyo amniga dalka, iyagoo ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wadajirka bulshada. Xildhibaannadu waxay sheegeen in siyaasadda arrimaha gudaha ay meel wanaagsan marayso, balse ay muhiim tahay in guulaha siyaasadda dibadda, oo ay ku jiraan safarrada Madaxweynaha, ay barbar socdaan xasillooni iyo isku-duubni gudaha ah.

Golaha ayaa si gaar ah uga digay aafada qabyaaladda, iyagoo bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka bulshada. Sidoo kale, waxay ka hadleen dhacdo dhexmartay askari Boolis ah iyo ganacsato yaryar, iyagoo ciidanka ugu baaqay inay shacabka ixtiraamaan, sharciga iyo Dastuurkana ku dhaqmaan, halka bulshada looga digay inay ciidanka ugacan-qaadaan, waxaney ku waaniyeen inay kala shaqeeyaan ilaalinta amniga.

Dhinaca dhaqaalaha, Golaha Guurtidu wuxuu walaac ka muujiyey sicir-bararka iyo sarif-bararka, oo ay sheegeen inay culays weyn ku hayaan nolosha shacabka, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen inay si degdeg ah wax uga qabato, iyadoo mudnaanta la siinayo nolosha iyo duruufaha bulshada.