Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga ka Jaray Wajigii Koowaad Ee Jidka Ceerigaabo Oo Laami Laga Dhigay

0
405

Burco (Dawan):- Madaxweynaha   Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo), ayaa shalay xadhiga ka jaray 10KM-kii  ee u horeeyay  oo laami ah jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, halka uu sidoo kalena madaxweynuhu dhagax dhigay 20KM oo Carro Kaawo la dhigay.
10KM ee wadadda Ceerigaabo ee uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray oo ah halka ay ka bilaabanto wadadaasi  gaar ahaanna meesha la yidhaahdo Ina-Af-madoobe oo ka tirsan gobolka Togdheer.
Sidoo kale Weftiga   uu hogaaminayo  Madaxweyne Siilaanyo,  oo weli ku gudo jira socdaalka ay ku marayaan  dalka oo shalay galay maalintiisii 6aad ayaa xalay soo gaadhay xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
 
Madaxweynaha  iyo weftigiisa ayaa isla shalay waxay soo mareen oo  lagu soo dhaweeyay Degmada Qoryaale oo ka tirsan gobolka Togdheer iyo magaalada Wadaame-goo iyo jiidaha dhow. Iyadoo madaxweynaha iyo weftiga la socdaa ay  mashaariic horumarineed ka fuliyeen  halka  qaar kalena ka dhagax dhigeen degmada War-cimraan, Shanshan-cade iyo magaalada Caynaba, intii aanay soo gelin magaalada Burco.
Weftiganuu hogaaminayo  Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii ay soo gaadheen degmada War-cimraan oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa waxa ay xadhiga ka jareen mashaariico kala duwan oo ay ka mid   yihiin guriga martida maxkamada degmada rugta booliska, xafiiskii xanaanada xoolaha ee degmadaasi iyo xarunta Dawlada Hoose ee Degmadaasi.  Madaxweyne Siilaanyo oo halkaasi kala  hadlay dadweynaha  ayaa waxa uu uga mahadnaqay shacbiga  War-cimraan sida ay u soo dhaweeyeen, isagoo ka waramay u jeedadda socdaalkiisa, Waxaanu  yidhi “Aad iyo aad ayaan idinka mahadnaqayaa dadweynaha halkan iskugu yimi ee War-cimraan ee sida sharafta leh iyo qiimaha leh noo soo dhaweeyay. Safarkayagani waa mid aanu doonayno  in dadka aanu madaxda u nahay aanu xogogaal u noqono oo gobolo iyo degmooyin badan ayaan  u soo marnay meelo denbana waanu mari doonaa.
Inta xilku na saaran yahayna waa waajibka na saaran in aanu ogaano oo u kuurgalno baahida dadka iyo waxa uu qabo iyo waxa uu qabsaday aanu ogaano, wuxuu qabsadayna ku gacan qabano, wixii  baahidiisa ee aanu wax ka qaban karnana aanu ka taakulayno, taasaa safarkayagu yahay, waana waajib iyo xil na saaran, waxaana idiin rajaynayaa in aynu horumarno oo waxqabsano oo dunida ka mid noqono oo ictiraaf helno ayaan idiin rajaynayaa.”
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo isna la hadlay  dadweynihii soo dhaweeyay ayaa waxa uu ku tilmaamay socdaalkan uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo mid qiimo leh.  “Haddii aan wax yar idiin ka waramo socdaalka  Madaxweynaha waa socdaal runtii aad u qiimo badan oo intii aan la socday wax badan ka faa’iidaystay oo ah in mar uun aaanu aragno  umadda reer Somaliland oo ka baxday qabyaalad oo u fikiray sida caalamka u horumaray.” Ayuu yidhi Waran Cade.
 
 
Cabdi Aw Daahir Cali Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo isna halkaasi ka hadlay  waxa uu sheegay in gaadhi dawa u siday degmada Warcimraan, waxaanu yidhi “Waxa aan balanqaadayaa in aan u keeno gaadhi aanu u iibino degmada oo uu ku xidhan yahay talaajodii si dhakhsa ah ayaan u keenayaa imikana dawo ayaan idiin sidaa, maamulka degmada Warcimraan salaadiinta iyo cuqaasha oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay xukuumada ku ma jeerteen waxqabadka ay dalka  ka fulisay, waxaanay ka mahad celiyeen mashaariicahan ay xukuumadu hirgaliay wxaanay Madaxweynaha ku maamuuseen maamulka degmadaasi shahaado sharaf ay ku tilmaameen waxqabadka xukuumada.
Weftigan Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo ay soo mareen tuulada Shansho-cade oo ka tirsan degmada Warcimraan, waxaana duleedka magaaladaasi ku soo dhaweeyay dadweynaha tuuladaas.
Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlay dadweynaha tuuladaasi, waxa hadalkiisii ka mid ahaa  “Socdaalkayagu waxa uu yahay in aan xogogaal u noqono dalka oo aanu ogaano waxa dadkayagu qabaan, wixii itaalkayaga ahna waxba kama hagran doono, wixii la sheegay” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

By: Khadar M. Dhako

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply