Japan oo sheegtay inaysan ka baqeynin IS

0
404

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa muujiyay cadhadiisa ka dhalatay fiidiyow dhowaan ay soo bandhigeen ururka Daacish oo ku saabsan la haystayaal Japan u dhashay oo ay kooxda dishay.
Kooxaha sirdoonka dalalka Mareykanka iyo Japan oo baadhitaan ku sameeyay fiidiyowga ayaa waxa ay sheegeen inuu la mid yahay kuwii horey ay u soo bandhigeen iyagoo dad kale dilaya.
Waxaa la sheegayaa in Haruna Yukawa, oo ahaa lataliye dhanka amniga ah in la dilay, halka lahaystaha kale oo ahaa weriye lagu magacaabo Kenji Goto uu weli nool yahay.
Mr Abe ayaa arrintan ku sheegay inay tahay mid dembi ah oo aan la aqbali karin. Waxa uu hoosta ka xariiqay in Japan aysan ka baqeynin mintidiinta Khilaafada Islaamka.
Ra’iisul wasaaraha dalka Japan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin beesha caalamka ee dhanka amniga iyo nabadda.
waxa uu sidoo kale qiray inay xoogga saari doonaan ka shaqeynta amniga muwaadiniinta Japan.
Mr Abe ayaa xilli saqdhexe ah isugu yeedhay  golihiisa wasiirada si ay u yeeshaan kullan degdeg ah.
Ururka Daacish ayaa horey u dalbatay madax furasho aad u badan si ay u sii daayaan la haystayaasha.
 
 

Leave a Reply