Socdaalka Obama ee dalka Hindiya

0
379

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa  gaadhay dalka Hindiya si uu wadahadallo dhanka amniga ah ula yeesha ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi.
Sidoo kale waxaa ay labada hogaamiye ka wada hadli doonaan dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaana la filayaa inay isla soo qaadaan isbedelka dhanka cimilada, tabarta Nuclear-ka iyo ladagaallanta argagixisada.
Maalinta Isniinta, Mr Obama waxa uu marti sharaf ka ahaan doonaan dabaaldegga maalinta Jamhuuriyadda Hindiya, wuxuuna la kulmi doonaan hogaamiyayaasha dhanka ganacsiga.
Weriyaha BBC-da ee dalka Hindiya ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Mareykanka uu aqbalo casuumaadda Mr Modi ee ka qeybgalka dabaaldegyada inay cadeyn u tahay galaangalka sii weynaanaya ee Hindiya ay ku yeelaneyso masraxa caalamka.
Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama ayaa la filayay inay booqdaan Taj Mahal maalinta Salaasada ah, balse way gaabiyeen safarkooda Hindiya si ay ugu duulaan boqortooyada Sucuudiga si ay u muujiyaan xushmadda ay u hayaan boqorka cusub ee dalkaasi.
 

Leave a Reply