Dhakhtar Gudniin oo lagu Xukumay Isku day dil

0
376

Dhakhtar reer Masar ah ayaa la xukumay laba sano oo xadhig ah kadib markii ay dhimatay gabadh uu ku guday rugtiisa caafimaad.
Raslan Fadl ayaa lagu xukumay laba sano oo xadhig ah iyadoo lagu helay isku day dil, rugtiisa caafimaadna waa la xidhay hal sano.
Dhaqtarka ayaa beeniyay inuu ku sameeyay gudniinka Suhair al-Bataa.
Afhayeenka kooxda u ololaysa joojinta gudniinka ayaa ugu yeedhay go’aanka maxkamada guul aad u wayn.
Suhair al-Bataa ayaa dhimatay 2013-kii. Aabaheed ayaa sidoo kale dacwad lagu qaaday laakiin aan la xukumin.
Dacwad tan ka horaysay ayaa dhakhtarka iyo aabaha lagu waayay danbi.
Gudniinka ayaa laga mamnuucay Masar 2008-dii laakiin wali la sameeyaa.
In kabadan sagaashan boqolkiiba dumarka reer Masar oo ka yar konton jir ayaa lagu sameeyaa gudniinka, sida ay sheegayso tirikoobka dowladda.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply