Xukuumadda Oo Sheegtay Dhaamam Ay Sanadkan Ka Qodayso Deegaamada Xadka Ku Yaalla

0
339

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle ayaa shalay ka hadlay baahida biyood ee ka taagan dalka iyo ka wasaarada ahaan qorshaha u yaalla oo uu sheegay inaanay awood badan u lahayn in ay baahiyaha biyaha dhamaystiraan.
Xuseen Axmed Cabdulle waxa uu sheegay in ay dedaal dheeraad ah ugu jiraan sidii ay bulshada ugu heli lahaayeen biyo nadiif ah oo ku filan, waxaana uu tilmaamay in lixda gobol ee waaweyn laga qodayo siddeed iyo toban ceel, halka deegaamada ku teedsan xuduudaha  loo samaynayo biyo xidheenno ama dhaamam.
Wasiir Xuseen Axmed Cabdulle waxa uu iftiimiyay in Safarkii uu madaxweynaha Somaliland gobollada ku soo marayay ay ku soo arkeen baahida biyo laa’need, wasaarada biyahana waxa uu ku sifeeyay mid u taagan in ay ka dhabayso in meel kasta laga soo saaro biyo macaan.
“Sidaad wada ogsoontihiin Biyahu waa nolol haddii aanay biyo Jirina nololi ma jirto, dhulkii aanu soo wada marnay oo dhami Way xaqiijiyeen Waana ay noo sheegeen baahiyaha goboladaasi ka jira ee ay u qabaan biyaha, madaxweynaha Somaliland waa uu balan qaaday wixii ay kala qaban Karaan dadkaasi inuu la qabto baahida meesha ka jirta laakiin maalin iyo laba toona laguma dhamayn karo, dedaal weyn ayaanu iska saarnay xaga biyaha imikana waanu iska saari doonaa,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Waxaan ku Rajo weyn nahay inaanu Samayno  lix dhaam oo waaweyn oo ku teedsan xuduuda Somaliland, waxaana ka mid ahaa dhaamamkaas Baligubadle, Bali-Dhiig, Labi Sagaale iyo Faro weyne, kuwaas oo dayac tir u baahan, labadii ugu horeeyayna waxa soo dayac tirtay Hay’ad, inkasta oo aanan lasoo wareegin, afarta kalena waxa ay ii shegeen in ay dhamayn doonaan, haddii aanu afartaas isku darno Baahi weyn oo xaga biyaha ahayd ayay naga kafayn doontaa, dhaamkuna waa waxa kaliya ee aanu kaga kaaftoomi karno biya la’aanta”.
Wasiirka Biyuhu  waxa kale oo uu intaa raaciyay ”Sanadkani aad iyo aad ayaa uu noogu wanaagsan yahay ILLAAHAY waxaan ka rajaynayaa inuu dadkaas wax noo balan qaaday ay sidooda noogu fuliyaan, waxaanu ku dadaalaynaa sida ugu habboon ee ugu wanaagsan u dhamayn si cadaaladi ku dheehan tahay ugu xaqsoor shacabka aan matalno ee aan wasiirka u ahay.”
BY: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply