Qul-ujeed: Laba Qof oo Ku Dhaawacmay Rasaas ay Fureen Kooxda Suldaan Wabar

0
446

Qulujeed(Dawan)- Askari ka tirsan ciidanka qaranka iyo gabadh shicib ah ayaa ku dhaawacmay shalay ka dib  markii koox  hubaysani ay soo weerartay magaalada Qul ujeed ee Gobolka Awdal.

Maleeshiyada soo weerartaydegmada Qul-ujeed ayaaka soo talawday soohdinta ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya oo marta duleedka degmada Qulujeed sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Qul ujeed Xasan Maxamuud Geeddi oo aanu xalay khadka tlifoonka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan gudaha degmadaas, waxaanu intaa ku daray in imika ay xaaladu degen tahay isla markaana laba qof  ee wax ku noqday dhaawacoodu fudud yahay ciidanka Qarankuna dalka ka saareen Maleeshiyada soo duushay hal ninna ay gacanta kaga soo  dhigeen.

Guddoomiyaha degmada Qul ujeed   oo aanu waydiinay sida ay wax u dheceen iyo cidda dagaalka magaalada ka ridday halka ay ka yimaadeen,ayaa ku jawaabay.

“Saaka(shalay) abbaaro tobankii subaxnimo markii uu magaalada qaadku yimi iyadoo dadka badankiisu  qaadka ku soo ururay cid iibsanaysa iyo cid iibinaysabana la wada dul joogo ayay niman hubaysani si dhuumasho ah uga soo tallaabeen xadka Itoobiya oo aan magaalada kaba  fogayn ka dibna waxay rasaas ku fureen magaalada oo dhan taasina waxay sababtay inay rasaastaas  ku dhaawacmaan Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo gabadh shicib ah,intaa ka dibna waxaa magaalada soo gaadhay ciidanka  Qaranka oo tiknikadii ayaa soo gurmatay kooxdaasina waxay ahaayeen dhawr iyo toban nin, waxaana baacsaday oo xoog kaga saaray ciidanka qaranka,”ayuu yidhi  Guddoomiyaha Qul ujeed.

 

Mr. Xasan Maxamuud, waxa uu intaas ku daray “Wax Khasaare ah oo kalena kamay dhalan xaaladuna imika way degen tahay .”

 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in kooxdaasi ay u firxaday dhinaca soohdinta Itoobiya, waxaanu yidhi “Horta kooxdan wax soo weerartay jiritaankoodu maaha mid qarsoon ee waa kooxdaa nabad diidka ah ee uu wato ninka Suldaanka ahi,  waana la ogyahay inay ku dhuumaalaysanayaan buuraha  ka talawsan xadka Itoobiya,  maleeshiyadii weerarka soo qaadayna waxay dib ugu firdhadeen buuraha Itoobiya walina dhinaca Itoobiya wada hadal ah kala maanu yeelan  oo cid iskamaanu arag wax kadiso ahna  way nagu ahayd, Ciidanka Qarankuna dalka way ka saareen maleeshiyada soo duushay mid kooxdii weerarka soo qaaday ka mid ahna gacanta ayay kusoo dhigeen.”

 

Dhinaca kale, waxa jira dad dano gaar ah leh oo tubaya durbaanno colaadeed, kuwaasi oo dadweynaha reer Boorame ku dhex faafinaya warar been abuur ah oo sheegaya in magaaladda laga qaxayo oo ay maleeshiyadda kooxda Suldaan Wabar duulaan ku soo qaadayaan magaalo madaxda gobolka Awdal, waxase doorkoodii gabay maamulka gobolka iyo degmadda oo aan dadweynaha la hadal kana shaafiyin barobagaandada nabad diidku soo alifayaan.

By: Faysal  Afgaab

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply