Socdaalkii Buur iyo Bannaan wuxuu Daliil u ahaa wax-qabadka Xukuumadda!

0
544

Helitaanka kalsoonida shacbiga ayaa ah qiimaha iyo abaal-marinta ugu sarraysa ee ay tartanka ugu jiraan Xukuumadda iyo dhinacyada kale ee ku loollamaya siyaasadda JSL. Hambalyo, bogaadin iyo taageero baaxad leh oo aan kala go’ lahayn ayey shacbigu kaga dareen celiyeen Socdaalkii “Buur iyo Bannaan” ee Madaxweynaha JSLiyo weftigiisii ay ku marayeen Galbeed, Bari, Hawd, Guban, Buur iyo Bannaanba.
 
Socdaalkii Buur iyo Bannaan ee M/weyne Axmed Silaanyo iyo weftigiisu ay ku marayeen gobollada dalka, haba yaraatee muu ahayn socdaal ay ujeedadiisu tahay olole ama kaambayn ay Xukuumadda iyo Xisbul-xaakimku shacbiga kalsooni kaga doonayaan. Muu ahayn safar xambaarsan fikir iyo farriin ku salaysan muxaafid iyo mucaarid oo laga dheehan karo ujeeddo siyaasi ah oo bulshada kala qaybinaysa. Socdaalkii Buur iyo Bannaan, wuxuu ahaa safar-hawleed uu M/weynuhu ugu kuur-galayay waxyaabaha ilaa hadda Xukuumaddiisa u qabsoomay, waxa weli dhiman, baahiyaha aasaasiga ah ee jira iyo muuqaalka nolol-maalmeedka ummaddiisa.
 
Muddadii uu Madaxweynaha Jam.Somaliland ku guda jiray Safarkiisii, wuxuu si kalsooni iyo farxadba leh u dhex marayey oo uu u xog-waraysanayey ummaddiisa.  Run ahaantii Socdaalkii Buur iyo Bannaan wuxuu curiyay dareen shacab oo farxad leh oo saamayn weyn ku yeeshay kalsoonida ay shacbigu ku qabaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, waana arrin bulshada ku dhiiri-gelin karta in doorashada soo socota ay shacbigu M/weyne Axmed Silaanyo mar kale dib u soo doortaan.
 
Muddadii uu Madaxweynuhu ku guda jiray Socdaalkii Buur iyo Bannaan waxaad dareemaysay sida la yaabka leh ee ay Astaanta-Qarannimada iyo Dareenka-wadajirka ummadnimo ay meel walba u biyo-dhigeen ee ay uga hir-galeen gobol, degmo iyo tuulo kasta oo ay M/weynaha iyo weftigiisu booqdaan. Sidoo kale, waxaad dareemaysay sida ay shacbigu uga mahad-naqayeen wax-qabadka muuqda iyo horumarka ay Xukuumaddu dalka ka hirgelisay, meel kastaba ha laga hirgeliyee. Dhinaca kale, shacabku waxay sheegayeen oo ay carrabka ku dhufanayeen baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira degaannadooda ee u baahan inay Xukuumaddu wax laga qabto. M/weynaha iyo wefdigiisu meel kasta oo ay booqdaan (Gobol, Degmo, Tuulo iyo Miyiba) waxay kala kulmayeen soo dhaweyn aad u ballaadhan iyo shacbi-weyne aad ugu riyaaqsan oo gacmo furan ku qaabilayey booqashada uu Madaxweynahoodu ugu yimid.
 
Tabaabulshihii iyo Doorkii Wasaaradda Madaxtooyada:
 
Safar kasta oo la galayo, ha noqdo mid gaaban ama mid dheere, tabaabulsho iyo taxadir taam ahi waa lagama maarmaan. Waxa kale oo iyana muhiim ah in safarku uu salka ku hayo qorshe iyo jaan-gooyo cad oo la tix raaco safarkana hagi kara. Haddaba, arrinta u baahan in hoosta laga xarriiqo waxa weeyi doorkii ay Wasaaradda Madaxtooyadu ku lahayd Socdaalkii Buur iyo Bannaan. Marka dhan walba laga eego; ha noqoto xagga diyaar-garowga, taakulaynta iyo taban-taabadaba ama ha noqoto xagga abaabulka, qorshaynta iyo jaan-gooyada safarka; Socdaalkii Buur & Bannaan wuxuu ahaa safar ay Wasaaradda Madaxtooyadu  u qorshaysay si qoto dheer oo dhammaystiran. Wuxuu ahaa safar ay ku dheehantahay khibrad iyo waayo-aragnimo badan, ha noqoto xag maamul ama xag hoggaamineedba. Waxa xusid mudan qaabka iyo hannaanka ay Wasaaradda Madaxtooyadu u hawl-gelisay ee ay wada-shaqaynta ula yeelatay haldoorka, wax-garadka, xil-dhibaannada iyo masuuliyiinta sare ee ka tirsan xukuumdda ee ka soo jeeda gobol, degmo iyo goob kasta oo ay M/weynaha iyo weftigiisu booqanayeen.
 
Socdaalkii Buur iyo Bannaan, gobol kasta iyo goob kasta oo ay M/weynaha iyo weftigiisu ku soo beegan yihiin, arrinta iyaduna ammaanta mudnayd waxay ahayd sida ay Masuuliyiinta sare ee xukuumadda ka tirsan, Xil-dhibaannada, maamulka heer gobol iyo heer degmo, madax-dhaqameedka iyo wax-garadka kaleba ay uga hawlgalayeen degaanadii ay u dhasheen ee ay bulshada degaanadaasi u sii abaabulayeen ee ay ugu diyaarinayeen soo dhaweynta iyo marti-gelinta M/weynaha, Marwada koowaad iyo weftigii cuslaa ee uu hoggaaminayey. Goob kasta  oo ay M/weynaha iyo weftigiisu booqanayeen, Wasaaradda Madaxtooyadu waxay si farshaxanimo leh u sii qorsheeyey hab-maamuuska ay bulshadu ku soo dhaweynayso M/weynaha iyo weftigiisa, hawlaha goob kasta laga qaban doono, mashaariicda xadhiga laga jari doono, mashaariicda cusub ee la dhagax dhigi doono iyo weliba kullamada xog-waraysi ee lala yeelan doono bulshada ku nool goobtaa iyada ah.
 
Hoggaamintii Safarkii Buur iyo Bannaan:
 
Wasaaradda Madaxtooyadu waxay si dhammaystiran u diyaarisay in baabuur kasta oo ka mid ahaa safarkii M/weynaha ay u dhan yihiin wixii ‘saad, sahay ama agab kaleba ah’ ee safarka lagama maarmaanka u ahaa. Marka la eego xagga hoggaaminta guud ee safarka, hagitaanka iyo habsami-u-socodka gaadiidka, Wasaaradda Madaxtooyada iyadoo kaashanaysa hoggaanka iyo saraakiisha sare ee qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga Qaranka, waxay soo bandhigeen xirfad iyo xeelad aqooneed oo ay ku hoggaaminayeen kuna hagayeen gaadiidkii tirada badnaa ee la socday safarkii M/weynaha. Waxa ammaan iyo bogaadinba mudan qaabka iyo hannaanka ay hawl-wadeennada waaxda gaadiidka ee madaxtooyadu u wada xidhiidhayeen ee ay u hoggaaminayeen safarkii dheeraa ee M/weynaha. Waxa nasiib wanaag iyo arrin ALLAH looga mahadnaqaba ahayd in Safarka baaxaddaa iyo dhumucdaa lahaa uu gebi ahaanba si nabadgelyo leh ku dhammaaday oo haba yaraatee aanu xataa hal taayir ka ban-jarin.
 
Doorkii Haweenka ee Safarkii Buur iyo Bannaan:
 
Muddadii uu Madaxweynuhu ku guda jiray Socdaalkii Buur iyo Bannaan, waxa xasuus iyo xus gaar ahba mudan doorkii ay Haweenku ku lahaayeen safarka. Degaan kasta oo ay M/weynaha iyo weftigiisu booqanayeen, haweenkaayaa iyagu ahaa laf-dhabarta soo dhaweynta iyo qaabilaadda M/weynaha, Marwada koowaad iyo weftigiisa. Ha noqoto subax, duhur ama habeenba, waa haweenka kuwa goob kastaba si xil-kasnimo leh uga shaqaynayey ee suurto gelinayey in M/weynaha, Marwadiisa iyo weftigiisaba loo fidiyo sooryo gobannimo oo lagu qaabilo marti-gelin milge, maamuus iyo karaamoba leh. Sidoo kale, Gobol kasta iyo Goob kastaba, waxaan marna la ilaawi karin siday haweenku isu abaabulayeen ee ay ugu diyaar-garoobayeen soo dhaweynta iyo marti-soorka M/weynaha, Marwada koowaad iyo weftigii u hoggaaminayey.
 
Feejignaantii iyo Asluubta Ciidamada Amniga:
 
Socdaalkii Buur iyo Bannaan wuxuu ahaa Socdaal si shaki la’aan ah u soo bandhigay awoodda, kartida, feejignaanta iyo asluubta ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee Ciidamada Amniga Qaranka. Waxa xusid gaar ah mudan Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada (CIM) iyo Ciidamada Birmadka (RRU & SPU) oo iyagu si geesinimo leh hadh iyo habeenba heeganka u ahaa sugitaanka ammaanka Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey intii ay ku guda jireen safarkii dheeraa. Ciidamada Amnigu waxay muujiyeen karti iyo adkaysi ay ugu dulqaateen hurdo yar iyo soo jeed badan, dhaxan, boodh iyo duruufo kale oo uu safarku watay.
 
 By: Eng Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Dayr)  Qaybtii Labaad
 
(La Soco qaybaha dambe, INSHA ALLAH)
 
 
Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh

Leave a Reply