Wasaaradda Diinta Oo Furtay Tartan Quraan Kariimka Ah

0
400

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaarada diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa shalay magaalada Harageysa ka furay tartan ballaadhan oo qur’aanka kariimka ah, kaasi oo ay ka qayb qaadanayaan shan boqol oo arday oo laga soo kala xulay madarasadaha lagu barto xiftiga qur’aanka kariimka.
Munaasibadaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaaradaha diinta iyo aw-qaafta, maaliyada, wasiir dawlaha wasaarada waxbarsha, Agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo awqaafta, culimo awdiin iyo iimaamyada masaajida Hargeysa.
Wasiirka wasaarada diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ugu horayn ka hadalay munaasibadaasi, waxaanu ka waramay tabaca ballaadhan ee bulshada Somaliland galisay in ubadkooda la baro qur’aanka kariimka ah, sidoo kalana waxa uu ka waramay maraaxilka kala duwan ee ay soo mareen goobaha lagu barto qur’aanka kariimka, isagoo sidoo kalana tilmaamay inay bulshadu waajib ku tahay dhiiri galinta dhalinyarad xaafid quraanka ah ee kitaabka ALLE xafidsan “Waxay munaasibadan i xasuusinaysaa sida jamuuriyada Somaliland, culimo aw diin haday tahay iyo haday xukuumad ay tahay sida ay u waynaynayaan kitaabka ALLE, runtii madaxwaynuhu wax badan buu noo  fududeeyey oo nagu caawiyey, markaa idinkana waxaan odhan lahaa dhiniciina ka soo qaada kitaabka ILLAAHAY iyo diintiisa guud ahaanba”  ayuu yidhi Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.
Wasiirka Wasaarada maaliyada Somaliland Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isaguna tilmaamay sida ay u liibaanaan bulshada qawlka ALLE kor u qaada isaga oo u mahad naqay cid kasta oo munaasibada ka qayb qaadatay wasiirka oo ka hadlay munaasibadaana waxa uu yidhi “Baahidaa aanu ILLAAHAY u qabno ee inagu u baahanahay hadaynu ku waynayno kitaabkiisa ILLAAHAY subxaanuhu watacaalaa wuu ina waynaynayaa, sharafta iyo karaamada diinta ILLAHAY baa lagu yeeshaa qur’aanka oo lala noolaado, qur’aanka oo la ciseeyo, qur’aanka oo lagu dhaqmo, qur’aanka oo la xafido, dadka ehlu qur’aanka oo la qiimeeyo ayaa qiimo lagu yeeshaa”
Waxa iyagana munaasibadaa ka hadlay wasiir dawlaha wasaarada waxbarshada Axmed Nuur Faahiye iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada diinta iyo awqaafta Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdale, waxaanay dhamaantood faafaahin ka bixiyeen u jeedada barnaamijkan tartanka iyaga oo sharaxay ahmiyada ay leedahay in da’yarta la baro quraanka kariimka ah iyagoo munaasibadana ku iftiimiyey inay tahay mid dhiiri galinaysa da’yarta muxaafidiinta qur’aanka.
Ugu dambayntii Sheekh Maxamed Cumar Dirir iyo Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka mida culimada Somaliland  iyo gudoomiyaha gudida wanaag farista ayaa si isku mida uga waramay faa’ida aakhiro iyo aduunba ay leedahay in la weyneeyo kitaabka ALLE ku dhaqankiisa uu yahay waajib saaran cid kasta oo islaama munaasibadana ay ka mid tahay meel lagu waynaynayo qawlka ALLE.
By: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply