Dalka Jasaa’iir Oo Qof Ugu Dhintay Xanuunka Shimbiraha Laga Qaado Ee H1 N1

0
377

Dawlada dalkaasi Jasaa’ir ayaa ku dhawaaqday xaalad deg dega iyada oo sheegtay inuu dalkeeda hal qof ugu dhintay fayraska loo yaqaano H1 N1,qofkaas oo toddobaadka ka hor ka yimid wadanka Sucuudiga.
Beyaan ay soo saartay wasaaradda caafimaadka dalkaasi Jasaa’ir ayaa lagu sheegay in muwaadin u dhashay dalkaasi Jasaa’ir oo da’diisu gaadhayso 49 sanno jir uu inuu u dhintay xanuunkaasi xumada ah ee uu keeno fayraska loo yaqaano H1 N1,kaas oo in muddo ah dhakhtar u yaaley xanuunkaasi.
Xanuunkan ayay sheegeen kooxaha dhakhaatiirta ahi in la ogaadey kadib markii ay baadhitan dhinaca laababka ah ku sameeyeen maxadka dawliga ah ee lagu baadho xanuunada,kaas oo loo yaqaano Pasteur Institute Reference Government.
Waxaanay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi samaysay baadhitaano lagu samaynayo qoyska uu qofkaasi kasoo jeeday,sidoo kalena lagu daryeelaayo dhakhaatiirtii xanaanaynaysay qofkaasi dhintay ka hor intii aanu dhiman.
 
 
 

Leave a Reply