Hay’ada Caafimaadka Adduunka Oo Ka Digtay Isticmaalka Badan Ee Tv-yada Iyo Computers-ka

0
369

Hay’ada caafimaadka adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO ayaa daraasad ay dhowaan samaysay dadka kula talisay inay isticmaalaan cunitaanka khudaarta indhaha u fiican oo ay sheegtay inay tahay ta keliyaata ee ka hortegi karta xanuunada indhaha ku dhaca iyo kuwa indho xanuunka keena intaba.
Hay’ada ayaa sheegtay inay indhaha u fiican tahay in la cuno maalin walba shan nooc oo khudrad ah kuwaas oo midabadoodu noqonayaan kuwo kala duwan, iyaga oo intaasina ku daray inay dadku joojiyaan Tv-yada iyo Computers-ka ay markasta hor fadhiyaan, iyaga oo 15 kii minut ba qaadanaaya waqti ay ka nastaan kana baxaan xafiisyadda iyo meelaha kale ee ay qalabkaasi yaalaan.
Kooxdan oo ay ku jireen dhakhaatiir dhinaca indha ah ayaa soo jeediyey in la iska ilaaliyo waxyaalahay ugu yeedheen ultraviolet Radiation ,iyaga oo xidhanaaya muraayado ay  goobo caafimaad ka qaateen,iyaga oo sabab uga dhigay taasi keeni karto indho beel.
Hay’adan caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay inay jiraan dad gaadhaaya 180 million oo qof lana ildaran idho xanuun,kuwaas oo ku kala sugan daafaha caalamka ,waxaanay intaas ku dartay in 40 ama 45 ,million oo kamid ahi ay yihiin dad indho la,taasina ay tahay mid ay sababeen qalabka ay inta badan dadku isticmaalaan ee TV-yada iyo Computers-ku.
Waxay hay’adani sheegtay in la rajaynaayo inay kasii siyaadaan marka la gaadho sannadka 2020,madaama oo qalabka leh Ultraviolet ku ay sii siyaadayaan.
 
 
 

Leave a Reply