Imaaraadka oo ka Caawinaya Urdun Duulaanka Cirka ee Daacish

0
391

Dawladda Imaraadka ayaa sheegtay inay u dirayso dayuurado dagaal nooca F 16 si ay uga taageeraan ciidamada Urdun la dagaalanka daacish ee ku sugan Suuriya.
Go’aankan ayuu soo saaray dhaxal  sugaha  Abu-dabai Maxamed Binu Sayid.  Telefishanka Urdin ayaa baahiyay in Dauuradaha dagaalka ee Imaaradku ay maalintii sadexaad si joogto ah u duqaynayaan goobaha ay degan yihiin Daacish.
Wasiirka arimaha gudaha ee Urdun Xuseen Majaali ayaa sheegay in la wadi doono weerarada  daacish ee Suuriya iyo Ciraaq.

Leave a Reply