Wiil yar oo hooyadii dhimatay, ayuu aabihii guursaday gabadh kale. Maalin ayuu wiilkaasi Odaygu weydiiyay hooydiisii hore iyo hooyadan imika waxa u dhexeeya ? Wiilka yar ayaa ku jawaabay hooyadaydii runta ahayd waxay ahayd beenalay, laakiin tani runta ayay sheegtaa. Aabaha aya yaabay oo waa side ? wiilka yar aya yidhi markaan soo ciyaaro way cadhoon jirtay waxayna odhan jirtay hadii aanad iska dayn ciyaartan, cunto danbe ku siin maayo. Maan joojin jiray way isoo raadin jirtay oo ay ii kaxayn jirtay guriga haddana markiiba way isiin jirtay cuntadii. Imika miyaa Hooyadan cusub waxay tidhi haddii aanad joojin kuma siinayo cunto. Way kaga dhabaysay hada waanigaa gaajoonaya maanta oo dhan waxba ma cunin. Aabaha aya ogaaday farqiga u dhexeeya labada hooyo. Adna Akhriste waad dareentay. (Al-wasett.com).