"Haddii ay Doorasho Dhici Waydo, ma Jiro Nin Suurta Afuufayaa,Madaxweynuhuna Sharci Ayuu ku sii Joogayaa”

0
364

Hargaysa(Dawan):-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay haddii ay doorashadu ku qabsoomi waydo 26 Juune 2015-ka inaan Kursiga  Madaxweynanimada Somaliland lagaga degayn   han-jabaad iyo handidaad, balse  Madaxwynaha iyo xukuumaddiisu  joogayaan sharcina ay yihiin.
 
Wasiir  Xirsi waxaa kale oo uu caddeeyay in Xukuumaddu doorasho diyaar u tahay isla markaana ay kalsooni ku qabto bulshadeeda kuna kasbanayso wax qabad muuqda oo ay dalka ka hir galisay intii ay xilka haysay. Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidaa ka sheegay mar uu shalay ka hadlayay shir beesha Axmed Faarax uga socday Hotel City Plaza ee magaalada Burco.
 
Ugu horrayn Wasiir Xirsi oo ka jawaabayay hadal ka soo yeedhay mucaaridka ayaa yidhi  “Qolyaha mucaaridka ah ee leh haddii ay 26 Juun doorasho dhici weydo wax ayaa dhacaya, iyo dawlado kale (Dawlad wadaaga) ayaa la sameynayaa, waxaanu ku nimi sharci oo waxaanu gudiga doorashooyinka qaranka  ka sugaynaa wakhtigii doorashada, wixii ka soo baxana waanu u hogaansamaynaa. Tartan diyaar ayaanu nahay.”
 
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxaa kale oo uu   sheegay  haddii dib u dhac ku yimaado waqtiga doorashooyinka in dalku dawlad  sharciya leeyahay oo la soo doortay isla markaana diyaar u ah in ay doorasho gasho laakiin waxaa uu intaa ku daray in aanay dhici Karin wax sharci jabin ah  iyo wax la yidhaahdo dawlad wadaag sida ay ku doodayaan mucaaridku waxaaanu yidhi  “26 Juun haddii ay doorasho dhici waydo, oo ciddii loo asteeyey qaban waydo, ma jirto nin Suurta Afuufaya, mana jirto inaanu hanjabaad iyo handidaad Kursiga kaga tegayno Madaxweynaha (Axmed Siilaanyo) si sharci ah ayaa loo doortay, xukuumadiisu si sharci ah ayay ku joogtaa, si sharciya ayaanu ku sii joogaynaa haddii ay doorasho dhici waydo.”
 
“Mar-walba doorasho ayaanu diyaar u nahay, maba jirto baqo aanu ka qabno cid kale oo naga helaysa, waayo waxaanu is muujinay oo aanu isa soo bandhignay, waad arkeyseen safarkii uu Madaxweynuhu Bari iyo Galbeed ku maray, ILAAHAY mahaddii dadkayaga taageeradiisa waanu haysanaa oo waanu ku kal-soonahay,” Ayuu yidhi Wasiirku.
 
 
Wasiirka Madaxtooyada  Somaliland waxaaa uu ugu dambayn farriin u diray xisbiyadda  mucaaridka ah waxaanu yidhi “Nin kasta oo doonaya in uu na bedelo ama kursiga hanto waxaanu leenahay dariiqiisa  saxda ah  u soo mar,   mar kasta oo doorashada cidda ku shaqada lihi ay wakhtigeeda qabatana diyaar ayaanu u nahay in aanu doorasho galno waxaa kale oo aanu diyaar u nahay haddii nalaga helo in aanu si sharaf leh ugu wareejino cidda naga hesha laakiin ma nihin niman ku tegaya hanjabaad suuqa laga yidhaahdo dalkuna sharci ayuu leeyahay sharcigaana lagu dhaqmayaa.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply