Madaxweyne Kenyatta oo Dabqabadsiiyay Shixnad Fool maroodi ah

0
615

Madaxweynaha Kenya  Uhuru Kenyatta  ayaa dab qabadsiiyay  15 tonnes oo fool maroodi ah si uu ugu quus gooyo ugaadhsatada, taasi oo qayb ka ah dadaalka dalkaasi ku yaal bariga Afrika ugu jiro xakameynta ugaadhsatada foolka maroodigu.
Foolkaasi oo qiimaha  suuqa madow  uu ka joogaa yahay $30m (£19.4m), ayaa ah shixnadii ugu ballaadhnayd  ee ay burburiso Kiiniya.
Madaxweyne Kenyatta ayaa markii uu dabka ku qabtay foolkaasi sheegay in uu u badbaadinayo jiilka  mustaqbalka  nolosha duurjoogta.
Foolka maroodiga  ayaa inta badan waxa loo tahriibiyaa Aasiya iyada oo loo adeegsado waxyaabo qurxin ah.
Suuqa madow ayaa halkii kiilogaraam ka yahay 2000 oo doolar.
Wiyisha ayaa sida oo kale waxa loo ugaadhsadaa foolasheeda oo qiime sare lagu  raadsado.
Mr Kenyatta  ayaa ballanqaaday inay dawladdiisu ay burburin doonto dhammaan wixii fool ah ee dalka yaal  oo la filayo inay gaadhayaan ilaa 115 tan  marka la gaadho dabayaaqada sannadka.
Sannadkii hore ayaa dawladda  Shiinahu waxa uu soo rogey amar ah inuu mamuucay  soo dejinta foolka muddo sannad ah kadib markii lagu dhaliilay inuu dalabka ka yimaad uu sii dhiirigeliyo  ugaadhsiga foolka.
Kiiniya ayaa waxa ay hoy u tahay ilaa 30,000 oo maroodi.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xayawaanka ayaa ka digaya in ay dabar go’i doonaan maraadigu dhawr sano gudahood haddii uu sii socdo dagaalka lagu hayaa.

Leave a Reply