Madxaf Lagu Kaydiyo Aataarta Qaddiimiga ah oo Laga Furay Xarunta Wasaaradda Ciyaaraha

0
474

Hargeysa (DAWAN)-Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo ban-dhigatay xarun ay ku uruuriyeen aataarta qadiimka ah ee Somaliland caanka ku tahay, taasoo laga hirgeliyey guddaha xarunta wasaaradda.

Wasiir  Cali Siciid Raygal oo aan weli wareejin xilka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, loona beddelay Wasaaradda Dib-u-dejinta, ayaa xadhigga ka jaray xarunta loogu tallo-galay inay noqoto madxafka, iyadoo xaflada xaruntaas lagu furay ay ka qaybgaleen  Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo Hawada Md. Cumar Cabdi Aadan iyo Madaxda waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda.
Mr. Cabdisaalan Maxamed Shabeelle oo ah Ku-xigeenka Waaxda Dalxiiska ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimada aataar qaddiim ah oo madxafkaas lagu soo ban-dhigay, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhagaxaan qoran oo loo eekaysiiyey aadaame (bani’aadam) iyo waxyaabo kaloo aad u tiro badan.
“Sannadkii hore meelaha aanu dalxiisayaasha ugu talo-galnay waxa tegay ilaa 800 qof oo dalxiisayaal ah, sannadkana waxa dhulkaas dalxiis ahaan u tegay ilaa 500 qof, waxaanuna ka qabanaa dakhli, barnaamijkana waxa sameeyay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha (oo imika loo beddelay Wasaaradda Dib-u- Dejinta)…..” ayuu yidhi Mr. Shabeel.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa  sheegay in madxafka la furay yahay mid  muhiim u ah qaranka,  isla markaana wax ka tarayo dalxiisayaasha Somaliland yimaad, maadaama oo ay ku keydsan yihiin aataar qaddiim ah oo dhammaantood la yaab leh.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa hirgelinta madxafkan ku ammaanay wasiir Cali Siciid Reygal iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha oo uu xusay inay yihiin labada masuul eoo bandhigay madxafkan ballaadhan oo aan hore loo samayn intii wasaaraddu jirtay, waxaannu yidhi; “Dalkeenna meel kale iska daayo, waxa qanniya halkan aynu joogno (Wasaaradda Ciyaaraha). Waayo waxaaba innala jooga dhashii Hodan (Cilmi Boodhari iyo Hodan)…”
Wasiirka cusub ee Dib-u-dejinta, welina aan wareejin xilka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaarah Md. Cali Siciid Reygal oo xafladaas soo gunaanaday, ayaa sheegay  in madxafka la dhisay yahay mid qiimo weyn u leh Somaliland, dalxiisayaal badana u soo jiidi doona.
“Qorshaha xukuumaddu waxa weeyaan in madxafyada noocan ah la ballaadhiyo oo la sii waddo haddii Ilaahay yidhaah, waxaan aad ugu faraxsanahay aniga oo ammaan iyo mahadnaq u jeedinaya Waaxda Dalxiiska iyo cid kastoo gacan ka geysatay in goobtan qurxoon lagu soo uruuriyo taariikhda faca weyn ee dalkeenNa, waana mid qarankeenu uu u baahnaa. Aniga waa la iga beddelay Wasaaradda Ciyaaraha, laakiin Wasaaradaha Somaliland iyo qaranku waa isku mid, qof walbana halka loo beddelo ama loo dhiibo ayuu xil ka saaran yahay inuu si daacad ah oo sharaf leh uga shaqeeyo,” ayuu yidhi Md. Cali Siciid Raygal.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply