“Ninka Dambiilaha Ahi Ehel, Wasiir Iyo Suldaan Difaaca Ma Leh, Waxaanu Leenahay Naftaada Ilaali Dambiilow”

0
413

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in la hirgeliyay go’aamadii ay Wasaarad ahaan iyo cuqaashu isla qaateen ee ahaa in ciddii qayb ka ah falalka lagu khaL-khal gelinayo nabadgeylada, islamarkaana Ciidamada amaanka gacantooda ku baxda aan wax  mag ah la iska weydiin karin, waxaanu tilmaamay in cid kasta oo nabad-gelyada ka hortimaada gacan bir ah lagu qaban-doono.
Wasiir Waran-cadde waxa uu hadalkan ka sheegay munaasibaddii uu shalay xilka ugu kala wareejinayay Wasiir ku xigeenada Wasaarada arrimaha guddaha, waxa kale oo uu sheegay in qof kastaa haddii uu ogaado in aan loogu gar-gaarayn dhibaaytooyinka uu geysto uu xisaabtamayo.
“Waxaan halkan uga mahad-celinayaa Cuqaasha iyo Salaadiinta oo runtii si toos ah noogala shaqeeya nabad-galyada, Wasaaradda waxaa ka go’an kadib markay madaxda bulshadda la tashatay inay nabad galyadu tahay wax lagu faro adaygo, waxaanu go’aaminay, in darajo kasta oo uu leeyahay cid kasta oo nabad galyada ka hor timaada ama damacda inay khal-khal geliso inaanu gacan bir ah wax kaga qabanno.
Waxa kale oo aanu go’aaminay Ciidamada amaanku iyagoo fulinaya nabadgalyada iyo xasiloonida cid kasta oo hub kala hor yimaada wixii khasaare naf iyo maalba soo gaadha qofkaasi masuul ka yahay, wax masuuliyad ah oo qaranka ka saarana aanay jirin, sidaa darteed,  waxaan mar kale ugu baaqayaa bulshada Somaliland  inay ilaaliyaan xasiloonida, nabagelyada iyo naftooda lafteeda oo runtii xil ka saaran yahay oo annagana xil naga saaran yahay,” Ayuu yidhi Wasiir Warancadde.
 
 
 
 
Wasiirka daakhiligu waxa uu sheegay in shakhsiyaad car-qaladaynayay nabadgelyada ay qaarkood cuqaashu gacanta u soo geliyeen, waxaanu yidhi  “Shaqaaqooyin dhawr ahi way dhaceen intii aanu arrintaas ku adkaysanay ama bulshadda kala tashanay oo aan ku amaanayo Salaadiinta iyo Cuqaashu siday noola qaateen, dhawr arrimood baa dhacay sideedii baanay u fuleen oo dambiilayaashii wixii ay gacmaha ku hayeen markii ay ogaadeen in arrinku xun yahay ayay si nabagadgelyo ah badankoodu noogu dhiibeen. Runtii waa horumar iyo bisayl dadkeenu leeyahay.”
Cali Maxamed Warancadde sidoo kale waxa uu sheegay qofka dembi galaa aanu yeelan doonin Suldaan ama ehel u gargaara, waxaanu yidhi “Qofku hadduu ogaado inaan lagu gargaarayn xaq darrada, cidna aanu lahayn, Qabiilna aanu lahayn gardarada iyo fidmada, qofku wuu xisaabtamayaa, laakiin, qofku markuu ogyahay in haddii uu wax sameeyo Tol xun uu yeelanayo, oo caaqil xun uu yeelanayo, inuu Suldaan xun uu yeelanayo, inuu Wasiir xun uu yeelanayo markuu ogyahay naftiisu waxay u sheegaysaa inuu ku fogaado ama uu ku  socdo khaladaadka iyo waxyaabaha dalkan halis galin karaya. Sidaa darteed, maanta waxaan leeyahay Ninka dambiilaha ahi ehel ma leh, Wasiir difaaca ma leh, Suldaan difaaca ma leh, Caaqil yidhaahda anigaa  u oday ah ma leh, dhammaantayo gees baanu ka soo wada jeednaa, markaa waxaanu leenahay naftaada ilaali dambiiloow.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply