“Qofka Bilaa Aqoonta Ahi Waa Shimbir Bilaa Baal ah” Wasiir Xirsi

0
345

Burco (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka qayb galay xafladdii qalinjabita jaamacadda Burco khamiistii,  ayaa mahad naq ballaadhan iyo bogaadin u jeediyay boqol iyo dhawr iyo afartanka arday ee ka qalinjabiyay Jaamacadaasi.
 
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu ka hadlay dareenkiisa farxadeed iyo shucuurtad uu dareemayo, waxaana uu sidoo kale tallo iyo tusaale u soo jeediyey dhammaan aradaydii qalinjabisay.
 
Wasiir Xirsi  waxa uu arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa uu ku leeyahay internetka ee Guusha,com, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Waxaanu madal maamuus iyo milgo badan marag kaga noqonay 141 arday oo ka qalinjabinayey kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Burco
 
Waxaan marag ka ahayn maal-qabeeno yeeshay hanti meel walba u raacaysa tuugna ka xadi Karin! Waayo aqoontu waa hanti ma guuraan ah.
 
Meel walba oo aad eegto waxay indhahaagu qabanayeen halyeeyo hamuun u qaba in ay nolosha heersare ka gaadhaan oo isugu hambalyeynaya himiladii ay haabsanayeen oo durba u rumowday.
 
Waxaa hubaal ah in qofka bilaa aqoonta ahi lamid yahay shimbir bilaa baalal ah waayo aqoontu waa mida ku gaadhsiisa heegada sare ee nolosha “A person without knowledge is like a bird without wings”
Waxa xaqiiq ah in safar walba oo aad u dheer ka unkamo talaabo kaliya, saakana ay u ahayd ardayda dhamaystirka riyo ay in ka badan toban sano qalbiga ku hayeen.
Sidaasi mid lamida ayaan hubaa in aad nolosha guulo badan ka gaadhi kartaan hadaad la timaadaan duco, dedaal, dikri iyo daacadnimo
Sidoo kale si aanu ardayda u dareensiino jacaylka bulshadoodu qabto waxaanu caawa (xalay) kulan isugu jira Casho sharaf, dardaaran iyo duco ugu qabanay hotelka City Plaza ee Burco
Aqoonyahan walba oo goobta fadhiyey ayaad indhiiisa ka akhrisanaysay sida habboon ee aqoon loogu soo hubeeyey iyo sida uu ugu faraxsan yahay xaqiijinta qayb kamida himiladii noloshiisa
Waan u hambalyeynayaa waalidkii idinku soo tabcay iyo macalimiintii hagar la’aanta wax idiin soo baray waxaanan idiin rajaynayaa mustaqbal iftiin badan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply