Boqolaal loo Xidhay Weerarada Ajaanibta ee Koonfur Afrika

0
403

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in la xidhay in ka badan saddex boqol oo qof oo lala xidhiidhinayo weeraradii mawjadaha ahaa ee ka dhanka ahaa ajaaniibta.
Malusi Gigaba, waxa uu sheegay in si buuxda cadaaladda loo marin doono kuwa masuulka ka ah dhibkaasi.
Booliis dheeraad ah ayaa la geeyay deegaanada ay dhibkaasi ka jiraan.
Shalay oo sabti ahayd ayaa madaxweyne Jacob Zuba waxa uu booqday qaar ka mid ah dadka ay barakiciyeen dilalka, dabka iyo boobka, waxa uuna ballan qaaday in uu soo afjarayo weeraradaasi ka dhanka ah ajaaniibta.
Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa cambaareeyay weerarkaasi ka dhanka ah ajaaniibta.
Waxa uu sheegay in dad Afrikaan ah si ula kac ah nolosha loogu gubay.
Waxa uu ku baaqay in arrintaasi aysan mardambe dhicin, dadka Afrikaanka ahna la ixtiraamo.

Leave a Reply