Madaxwaynaha Afghanistan oo Socdaal ku Tegay Iiran

0
367

Madaxwaynaha Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa tagay dalka Iran isaga oo booqasho ku joogi doona labo maalmood.
Waxaa la filayaa in uu wadahadal la yeesho saraakiil sare oo ay ka mid yihiin dhigiisa dalka Iran Xasan Rawxaani.
Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Iran waxa ay sheegtay in labada masuul ay ka wada hadli doonaan, arrimo heer gobolka ah iyo kuwo heer caalami ah, ayna ka mid noqon doonto sida ugu wanaagsan ee loo hagaajin karo xidhiidhka labo geesoodka ah ee Tehran iyo Kabul.
Booqashadan waxaa loo qorsheeyay bilawgii sanad kan, laakiin waxaa dib u dhigay baraf xoog badan oo ku dhuftay dalka Afghanistan kaas oo galaaftay nolosha in kabadan labo boqol iyo sideetan qof.

Leave a Reply