Talyaaniga oo Dib uga soo Qabsaday Doon Kalluumaysi Xeebaha Liibiya

0
376

Ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa dib u soo qabtay  doon kalluumaysi oo ay lahaayeen jasiirada Sisiiliya saacado kadib markii ay qabsadeen ilaalada xeebaha Liibiya.
Sida la sheegay waxa ay doonta ka qabsadeen Liibiyaanku meel 64 KM ka baxsan xeebta Liibiya.
Ciidamada Talyaaniga ayaa galay doontaasi oo la geeyay dekeda Libiya ee Misrata ka hor intaan la sii deyn.
Ilaalada xeebaha  Libya ayaa sheeegay in ay doontaasi lagu oo qabtay hawlgal nabad ahaa oo aanay xabbad rasaasi ka dhicin kadib markii ay soo gashay biyaha Liibiya.
 
Ciidamada badda Talyaaniga ayaa sheegay in milateri ku sugnaa aagaasi oo howshoodu ahayd badbaadinta tahriibayaashu ka jawaabeen markii ay heleen warka doonta kalluumaysiga ee la qabsaday.
Lama soo sheegin wax khasaare ah.

Leave a Reply