Koonfurta Sudan: Dagaal ka Qarxay Malakal

0
417

Dagaal u dhexeeya ciidamada iyo kuwa ka soo horjeeda oo ah  maleeshiyo dowlada taageersan ayaa ka qarxay magaalada hodanka ku ah saliidda ee Malakal ee dalka koonfurta Suudan.
Dagaalka ayaa ka bilowday habeenkii salaasada dhismaha guddoomiyaha magaalada. Tiro dad ah ayaa ku dhaawacay, ugu yaraan labo kunna waxay qaxooti u galeen xerooyinka Qaramada Midoobay ee halkaasi.
Magaalada waqooyiga bar ee Nile-ka sare ayaa dagaalo soo noqnoqday ay ka dilaaceen ilaa markii dagaalka sokeeye uu ka qarxay Koonfurta Sudan bishii December sanadkii 2013dii.

Leave a Reply