Qaxoontigii Ugu Badnaa Ee Ka Soo Cararay Colaada Yeman Oo Soo Gaadhay Dekeda Berbera

0
397

Berbera (Dawan)- Qaxoonti tiradoodu dhan tahay 427 qof oo u badan maati Somaliland iyo Soomaaliya ka soo jeeda, ayaa uu Markab soo gaadhsiiyey dekeda Berbera subaxnimadii hore ee shalay.
 
Dadkan oo ka mid ah dadka ka soo qaxaya dagaallada ka socda Yemen, ayaa masuuliyiin, shaqaale caafimaad iyo kuwa hay’aduhu ku soo dhaweeyeen dekeda, iyadoo la geeyey goobaha looga asteeyey magaalada Berbera si halkaas xaaladooda caafimaad loogu baadho, gargaar bani’aadaminima loogu fidiyo sida ay sheegeen  masuuliyiinta Somaliland.
 
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Maxamed Yoonis Jibriil oo ka mid ahaa masuuliyiinta qaxoontiga halkaas ku soo dhawaysay, ayaa dadka qaxoontiga ah ee Somaliland u dhashay ka codsaday in ay muddo ku sugnadaan goobaha loogu asteeyey si gargaar loogu fidiyo, waxaannu ballanqaaday in dawladda Somaliland qaxoontiga Yemen ka yimaada meeshay doonaan ha ka soo jeedaane ay soo dhawaynayaan.
 
“Hadday Somaliland yihiin, hadday Somaliya yihiin iyo hadday dadka Yemenida yihiin ee waddankoodii labaad imaanaya, waxaannu leenahay in kuwa Somaliland ahi markay dekeda ka soo degaan ay xoogga ku muddo ah ku samraan, waayo waa dad xabad ka soo cararay oo soo noqday, sidaa darteed waxay sitaan ma jiro, wax halkan kaga soo horreeyana ma jiro. Marka waxaannu ka codsanayna in ay muddo noo samraan oo halka aannu u samaynay muddo noo joogaan si hay’adaha wax ugu waydiino oo waddankooda hooyo dib loogu dejiyo.
 
Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), ayaa tilmaamay in dadkan la badhaayo xaaladooda caafimaad iyo ammaan ahaan, maadaama ay ka yimaadeen waddan dagaallo ka socdaan,w axaann u yidhi;“Baryahanba waxa inagu soo qulqulaayey dadka ka soo qaxay dalka aynu walaalaha nahay, jaarkana nahay ee Yemen, dhammaantood dadkan soo barakacay waxa aannu ku soo dhawaynaynaa si naxariis leh, annagoo iska eegayna caafimaadkooda, amnigooda iyo sida ay xaaladoodu hadda tahay. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu na amray in aannu ku soo dhawayno.”
 
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa tilmaamay in tirada ku qoran maanafeestadu tahay 427, balse ay ka badan tahay oo aan carruurta iyo dhallinyarada inta badan la qorin , sidaa darteedna ay sugi doonaan tirada dhabta ah ee dadka qaxoontiga ah. “Waxa uu Markabku sidaa oo Manafeestada u qoran 427 qof, laakiin waxa aannu mar walba ognahay oo xaqiiqo ah in tiradu aanay intaas ahayn oo ay ka badan tahay, sababtoo ah dhallinyarada iyo carruurta lama soo qoro, taas qoraalkeeda oo sugana dibaannu ka sugu doonaa, halkana waxa ugu diyaar ah shaqaalihii dawladda, kuwii hay’adaha iyo kuwii caafimaadka”
 
Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada dadka qaxoontiga ah ee ka soo qaxaya dagaallada Yemen, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Saaxil Mr. Xaamud Xuseed Cabdillaahi, ayaa sheegay in dadka markabku keenay yihiin dadkii danyarta ahaa ee dirqiga ku soo baxay, waxaannu yidhi; “Hay’adaha caalamka waxa aannu ka codsanaynaa in dadkan wax lala qabto oo wixii meel u kacayana la hawlgeliyo.”
 
Geesta kale, qaar ka mid ah dadka qaxoontiga ah ee dekeda Berbera ku sugan, ayaa u mahadnaqay shaqaalaha iyo masuuliyiinta Somaliland oo ay sheegeen in ay si hagar la’aan ah oo aan kala sooc lahayn u soo dhaweeyeen, uguna shaqeeyeen dadka qaxoontiga ah, iyagoo dadka ka soo jeeda Somaliya hay’adaha caalamiga ah ka codsadeen in ay u fududeeyaan sidii ay degaannadooda u tegi lahaayeen.
Dawannews Hargeysa office
 
 

Leave a Reply