Sacuudiga oo Dib u bilaabay Weeraradii Cirka

0
378

Isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo ayaa duqaymo cirka ah u gaystay  magaalada saddexaad ee ugu weyn Yaman ee Tacis, halkaasi oo ay haystaan fallaagada  xuutiyiinta.
Duulaankan cirka ayaa yimi saacado kadib markii ay isbahaysigu ku dhawaaqeen in ay joojiyeen weeraradii cirka.
Waxa ay weeraradu dib u bilaabmeen markii la qabsaday xarumo ah duleedka Tacis oo ay haysteen ciidamo daacad u ah madaxweyne  Abdrabbuh Mansour Hadi.
Haseyeeshee waxa ay ka digeen Sucuudigu inay sii wadi doonaan weerarada haddiiba loo baahdo.
Dagaal dheeraad ayaa ka socda Yemen halkaasi oo falaagada Xuutida Shiicada ay la wareegeen xarumo unugyo militeri oo ku yaal Tacis, saacado kaddib markii isbahaysiga Sacuudiga hogaaminayo uu hakiyay afar todobaad ololaha duqeynta ee uu uga horjeeday.
Iran ayaa ku tilmaantay go’aanka ay Sacuudiga ku hakinayaan ololaha duqeynta horumar wanaagsan, waxayna ku baaqeen wadahadalo lagu dhameynayo dagaalka.
Tifaftiraha BBC-da ee bariga dhexe oo jooga Jeddah ayaa sheegaya inkastoo Sacuudigu uu sheegtay guul hadana lama soo celin dowladda Yemen, welina maleeshiyada Xuutida waxay maamulaan xarunta Sanca.
Wasiirka arrimaha Dibedda ee Iran Maxammed Javad Zarif ayaa ku baaqay in wadahadaala deg-deg ah la furo, gargaar bini’aadanimana la gaarsiiyo dalka Yemen.
Afhayeen u hadlay xulafada Sacuudiga uu hogaminayo ayaa sheegay in ay diiradda saari donaan siidi loo heli lahaa xal siyaasadeed oo dhibaatada ka jirta Yemen lagu soo afjaro, balse waxa uu sheegay in meesha aan laga saari doonin in xoog milatari la adeegsado haddii loo baahdo.

Leave a Reply