“Xukuumadda Waxa Ka Go’an Inay Dekeda Berberi La Tartanto, Dekedaha Geeska Afrika”

0
420

Hargeysa (Dawan):  Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha   Cali Maxamed Cilmi,  ayaa sheegay in Xukuumadda   ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa Dekedda Berbera, isla markaana ay ula taratmi lahayd Dekedaha kale ee geeska Afrika.
 
Cali Maxamed Cilmi oo shalay Warbaahinta kula hadlay  xafiiskiisa, ayaa dhinaca  kale waxa   uu Xisbiyada mucaaridka ku eedeeyay inay bulshada sawir khaldan ka siinayaan hanaanka loo horumarinayo Dekeda.
Waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Axmed  Siilaanyo isagoo og hal-bawlaha ay Dekedda Berbera u tahay qaranka ma qabo, maadaama oo isaga qaranka loo doortay inuu dayici doono,   oo halka ay maanta taagan tahayna inuu wax ku daramo mooyaane lagama yaabo inuu wax ka dhimo, Dekeda Berbera marka loo raadinayo maalgashi caalami ah ma aha in laga dhigo wax baro-bogaando ah ama siyaasad ah ama xisbiyada mucaaridku ay ka dhigtaan wax ay ku ololeeyaan”.
 
 
Waxaanu  intaasi ku daray “Waxaanu  jecelnahay siyaasadeena  in qof waliba wadadeeda u maro oo sideeda uga jawaabo iyo halka ay marayso,  Dekeda Berbera waxa masuuliyadeeda iska leh cida kolba hogaanka dalka haysa ee loo doorto,  waxaana wanaagsan in iyaga loo daba fadhiisto.
Dekeda Berbera waxay ku taalaa marin istaraatiji ah oo caalamiya oo ku beegan wadamada Afrikada bari iyo Afrikada dhexe, waxaanay sharaabin kartaa Afrikada dhexe iyo Waddamo badan oo aynu jaar nahay oo Itoobiya ay ka mid tahay oo 8 Milyan ku nool yihiin oo u baahan Deked.” Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha.
 
 
Wasiir ku xigeenka Xaanaanada Xoolaha  waxa uu sheegay in Xukuumadu  ay dedaal  ugu jirto sidii Dekeda Berbera ay  hormaad ugu noqon lahayd geeska Afrika, waxaanu yidhi  “Waxa Xukuumadda iyo hogaanka dalka ka go’an ama Madaxweynaha Somaliland inay Dekeda Berberi la tartanto  Dekedaha geeska Afrika ku yaala oo iyadu marka hore ay hormood ka ahayd haddana aan la doonayn inay ka horayso mooyee in aanay ka dambayn.
 
Sidaa darteed  siyaada Xukuumadda uu hogaanka u hayo Axmed Maxamed Siilaanyo waxa ka go’an inay Dekeda Berbera ay noqoto hormood loona raadiyo maalgashi caalami ah, cid kasta oo maalgashi caalami ah wada oo dani ugu jirto Somalilandna, Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu inay soo dhaweeyaan oo haddii ay Wadanka maalgashayaan ay maalgashadaan ayaa ka go’an Xukuumadda.
 
Dekeda Berbera dherarkeeda waa la yaqaanaa waa 600 iyo 60 Mitir, Madaxweynuhu wuxuu ka akhriyay khudbad sanadeedkiisii labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada in shirkado ajaanib ah oo maalgashanaya Dekeda Berbera ay la wadaan sidii ay u maalgashan lahaayeen, una kala xululanayaan sida mid waliba ta kale uga wanaagsan tahay.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply