Isku-daygii Midawga Yurub, Diidmadii Xukuumadda iyo Taageerada Bulshadu Waa Guul Qaran

0
488

Mar kasta oo ay dhacdo tallaabo guul u ah bulshadeeda oo ay qaaddo dawlad ka mid ah dalalka Islaamka tallaabada ay qaadanayna ay tahay mid uu jideeyay sharciga dalkaas iyo shareecada diinta islaamkuba waxaa hubaal ah in ay toos uga hor yimaadaan dalalka  Midawga Yurub’Maraykan iyo Qaramada Midoobay waxaa kale oo kolkaaba ka hadla Hay’addo iyo ururo ay leeyihiin dawladaha reer galbeedku oo ay ugu yeedhaan  magacyo kala duwan oo ay sheegaan in ay u taagan yihiin ilaalinta Xuquuqda Aadamaha kuwaasoo ka hor yimaadda tallaabo kasta oo dal Muslim ah sharciyadiida ka mid ah waafaqsanna shareecadda Islaamka oo dad iyo dalba dantoodu ku jirto oo dawladdaasi qaaday ama ku dhaqantay.
Hadaba Xukuumadda Somaliland ayaa fulisay qodob sharci oo dastuuri ah isla markaana waafaqsan  xukunka iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka maalintii Isniintii ee taariikhdu ahayd 13/04/2015 ee todobaadkii hore taasoo ahayd  dil qisaas ah oo lagu fuliyay gacan kudhiigleyaal dilal hore dad ugu geystay kuna caddaatay kuwaasoo xukunkii Maxkamadaha sharciga ah oo dhan la wada mariyay isla markaana labadii dhinac ee dilalka hore kala gaadheen ku heshiiyeen qisaasta gacan ku dhiigleyaasha’ markii Xukuumadda Somaliland qisaastaa sharciga iyo diinigiga ahba ay fulisay waxaa isla habeennimadii xafiiska ay ku leeyihiin magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ka soo saaray cambaarayn iyo bayaan ururka Midawga Yurub taasoo ay ku sheegeen in dilka qisaasta ah ee ay Xukuumadda Somaliland fulisay uu yahay kuxad gudub xuquuqda aadamaha ah.
Hadaba waxay is waydiintu tahay goorma ayaa lagu xad gudbaa xuquuqda aadamaha?’yaase ku xadgudba? Yuu xil ka saaran yahay ilaalinta xuquuqda aadamaha ee bulshada Somaliland miyi iyo magaalaba ee xilkaa loo igmaday? Bulshada reer Somaliland siday u arkeen dalabka gefka iyo qadafka ku ah ummad ahaan iyo dawlad ahaanba ee ka soo yeedhay  xafiiska Midawga Yurub ee Nairobi.?
Horta inta aanan u gonad degin jawaabaha su’aalaha kor ku xusan waxaa lagama maarmaan ah in aan soo qadimo lixda qof ee dilka qisaasta ah lagu fuliyay iyo dambiyada ay geysteen ee loo qisaasay.
 
May ahayn wax qarsoon iyo dil siyaasadeed iyo mid cadaawadeed ama caadifadi ay keentay dilka qisaasta ah ee ay Somalilan ku fulisay lixda dil suge ee xukunku ku dhacay laakiin waxay ahaayeen gacan ku dhiigleyaal dilal hore u geystay waxaa kale oo ay soo martay dacwaddoodu kana soo dhammaatay dhammaan Maxkamadaha kala duwan ee dalka iyadoo geesta kalena ay ku heshiiyeen in loo qisaaso ehelada dadkii ay dileen iyo ehelada gacan ku dhiigleyaashu taasoo sharciyan ah qodob dastuuri ah oo ka mid ah sharciga Somaliland isla markaana waafaqsan shareecadda Islaamka oo ah asalka koobaad ee ay Somaliland ku dhaqantoshuruucdeeduna ay kafarcameen.
Markii dilkaqisaasta ah Xukuumadda Somaliland ay fulisayba waxaa warbaahinta la hadlay Cabdi Cabdillaahi oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Somaliland waxaanu sheegay magacyada lixda qof ee la qisaasay iyo dadkii ay hore u dileen.

  1. Maxamed Daa’uud Axmed oo 25 jir ahaa iyo Cabdiwali Cilmi Muuse oo 25 jir ahaa oo si wada jir ah Boorama ugu dilay Marxuum Mukhtaar Cismaan Warsame, taariikhdu markay ahayd 30-03-2008-dii.
  2. Iliyaas Cabdillaahi Aadan oo 4o jir ahaa oo Magaalada Hargeysa ku dilay, Marxuumiinta kala ah Aadan Cabdi Mursal iyo  Muuna Axmed Maxamed, taariikhdu markay ahayd, 26-07-2003-dii.
  3. Maxamed Axmed Xirsi oo 24 jir ahaa oo Magaalada Burco ku dilay Marxuumad Farxiya Daahir Cabdi oo Xaaskiisa ahayd, taariikhdu markay ahayd 10-05-2011-kii.
  4. Ex Dable Askari Boolis ah Maxamed Cabdillaahi Cabdi Guuleed oo 28 jir ahaa, oo tuulada Qoton dabo ku dilay Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaalle (Gacmo-dheere), maalintii 22-03-2015-ka.
  5. Ex Dable , Askari Ciidanka Militariga ahaa Cabdirashiid Xasan Cumar oo 25 jir ahaa, Magaalada Hargeysa ku dilay Marxuum Cabdifataax Maxamed Soodaani 07-08-2009.

Midawga Yurub ayaa iyagoo ka xun ku dhaqanka Shuruucda Somaliland iyo fulinta qawaniinta ay dhigteen waxay ku yidhaahdeen bayaanka ay Nairobi ka soo saareen. “Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay si ba’an uga soo horjeedaan dilalka ciqaabta ah Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay ugu yeedhayaan masuuliyiinta Somaliland inay si dhakhso ah u joojiyaan xukunnada dilka oo ay ugu horreyso inay qaataan shuruuc ku habboon joojinta xukunka dilka.” Waxaa halkaa ku cad oo aan la dafiri karin in Midawga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ahiba ay diidan yihiin ku dhaqanka shuruucda dalka Somaliland waxaanay ugu baaqeen Xukuumaddu in ay joojiso ku dhaqanka Dastuurka dalka.
 
Laakiin  qisaastaasi waxay ahayd waajib dastuuriya iyo waajib diiniya oo ay  fulisay Xukuumadda Somaliland.waxaanay Xukuumadda Somaliland ku heshay taageerada shacabkeeda oo ogsoon in qisaasta ay noloshoodu ku jirto markii ay soo baxday ku dayga midawga Yurub waxaa jawaab cad ka bixiyay Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed  Caydiid oo waraysi gaar ah isla habeenkaa khadka tilifoonka ku siiyay Wargeyska Dawan waxaannu ku gacan saydhay hadalka aan loo meel dayin ee ka soo yeedhay Midawga Yurub.
 
“Horena looma joojin meel lagu yidhi waa la joojiyayna ma jirto imikana lama joojinayo dalku sharci ayuu leeyahay sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka. Cidda ay qusayso qawaaniinta dalku eeay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland  bulshadayadiina way nagu hambalyaysay  oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta Midawga Yurubta waxay sheegayaan dalalkooga  ka ku xukumaan dalka Somaliland ma qusayso   lagumana    dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu qaranka ku yahay fulinta  qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen.”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed  Caydiid.
Waxaa iyaguna ka hadlay qisaasta dilka ah ee Xukuumadda Somaliland ay fulisay golaha Guurtida Somaliand’ Culimo awdiinka dalka’madaxdhaqameedka iyo guud ahaan bulshada Somaliland oo ku hambalyaysay  Xukuumadda fulinta dilka qisaasta ah iyagoo geesta kalena is garab taagay Xukuumadda dhawaaqa Midawga Yurubna  gar darro cad ku tilmaamay.hadaba bulshada Somaliland waxay ilaalinta xuquuqdeeda u dooratay oo ay u wakiilatay golayaasha qaranka oo kala ah Sharci dejinta oo ay ka soo baxaan xeerarka iyo qawaaniinta lagu dhaqmayo, Garsoorka oo ah sharciga iyo caddaaladda halka ku kala saaraysa dadka ee xukunku ka soo baxayo iyo Fulinta oo ah Xukuumadda una taagan ku dhaqanka shuruucda dalka iyo fulinta xukunnada ka soo baxa garsoorka dalka waxaa kale oo ay bulshada Somaliland ogtahay in xuquuqdooda  uu dammaanad qaaday dastuurka Somaliland oo waafaqsan Shareecadda Islaamka  kaasoo ay dawladdooduna ku dhaqanto.
Waxaa kale oo ay bulshada Somaliland ogtahay cidda xaqooda duudsiday ee dafirsan xuquuq iyo xaq ay leeyihiin in ay ka mid yihiin Midawga Yurub oo diidan in ay aqoonsadaan Qarannimada iyo Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo 1991 la soo noqotay madaxbannaanideeda taana waxay bulshada Somaliand u aragtaa dulmi xuquuqdooda laga galay oo ay ka galeen Midawga Yurub iyo xuluufadoodu.
Waxaa kale oo marag ma doon ah in Midawga Yurub Jiritaanka Somaliland sababta uu u diidan yahay ay tahay oo  kaliya in ummadda reer Somaliland ay iyagu isku tashadeen una guntadeen in ay qarankooda dhistaan taasoo ay ku guulaysteen.
Midawga Yurub iyagoo duudsiyay xuquuqda ay reer Somaliland xaqa ugu leeyihiin in ay ka mid  noqdaan beesha caalamka ee ay dafirsan yihiin ummad dhan afar milyan iyo dheeraad xuquuqdood iyo dawladooda in ay hadana yidhaahdaan isku dhinta oo sharciyaddiina ha ku dhaqmina waxay tahay gef iyo  dulmi kale oo Midawga Yurub ka galay bulshada iyo qaranka Somaliland
Ugu dambayn Somaliland  shicib iyo Dawlad Madax iyo Mijo’golayaal Qaran’ Culimo iyo Codkarba waxay isku raacsan yihiin ku dhaqanka Shuruucda dalka Midawga Yurubna waxaa la gudboon haddii la ilaalinayo Xuquud Aadami in ay tallaabo ka qaadaan dalalkooga gudihiisa tacadiyada  ka jira oo ay ugu horrayso sida loola dhaqmo  Tahriibayaasha Yurub gala ee dalalkooda qaar ka mid ah wali  dadka lagu addoonsado. Waxaa kale oo wax lala yaabo ah marka ay Somaliland ku dhaleecaynayaan fulinta Xukun Maxkamad ka soo baxay ma waxay doonayaan in sharci la,aan lagu dhaqmo oo sida ay reer Yurub  ka dhigeen dalal badan in ay Somaliland noqoto waxaynu ognahay siday Liibiya,Ciraaq iyo Suuriyaba uga dhigeen  meel aan dawladi ka jirin oo qori iyo qarax ugu dhex nool yihiin dadyawga dalalkaasi’ laakiin Bulshada reer Somaliland waxay il dheer u leedahay ku dhaqanka sharci aan kooga ahayn dhibaatadiisa iyo wixii ay kala kulmeen Midawgii ay wada galeen Somaliland iyo Soomaaliya dalkan dhaxal siiayay xasuuq.waxaanay ku kalsoon yihiin in dantoodu ay ku jirto wada jirkooda iyo ku dhaqanka sharciyaddooda. Diidmada Xukuumadda doodda guurtida iyo taageerada bulshaduna waa guul qaran oou soo hoyatay Somaliland  siday Xukuummaddu ugu gacan saydhay Midawga Yurubna waxaa ku taageersan bulshadeeda u igmatay hoggaaminta dalkooga.
Ugu dambayn waxaan ku soo afmeerayaa faalladan xujadan ku socota Midawga Yurub
Sooyaalka Madashiyo.
Taariikhdu waa mudan.
Waa muraayad aan lumin.
Muuqaalka aragtida.
Waa maalin galinkeed.
Macaaniyo qadhaadh Siman.
Hadba tii aad mudataa.
Midnimo garsoor
Miisaan  cadliya.
Waa majaraha haga.
Aayaha markaa.
 
Midawga Yurub Haddii ay ilaalinayaan  Xuquuqda Aadamaha waxaa looga fadhiyaa in ay tallaabo ka qaadaan dawladda Yuhuudda ee ay ku garab taagan yihiin xasuuqa subax kasta taagan ee lagu hayo shacabka aan hubaysnayn ee reer Falastiin,waxaa kale oo xujo ku ah iyo marag ma doon cad haddii ay ka dhab tahay ilaalinta Xuquuqda Aadamuhu in ay ku dhiiradaan aqoonsiga Somaliland oo ah xuquuq ay xaq u leeyihiin bulshada Somaliland in caalamku aqoonsado qarannimadooda.haddiise ay xuquuqda Aadamuhu xagooga ka tahay sida ay doonaan oo kaliya horaanu uga diidnay imikana ka aqbali mayno.Somaliland-na waa dalka kaliya ee xilligii gumaystayaasha  harag kaga saxeexay in aanay Somaliland dhulkeega carruuri ugu dhalan karin gumaystaha  iyo in aanu faro galin ku yeelan karin ku dhaqanka xeerarkooga imikana lagama aqbalayo in waxay iyagu doonayaan oo  kaliyi ay  noqoto  xuquuqda aadamaha iyagoo dambi ka galay Somaliland oo aanay wali aqoonsan jiritaanka dawladnima dadkeedu dhistay.
Faallo: Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply