Guddoomiye Baashe Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Diriray Talleex

0
398

Hargeysa  (Dawan):  Guddoomiye xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa baaq nabadeed u diray beelihii ay  dirirtu ku dhexmartay degaanka Taleex, waxaanu u soo jeediyay inay joojiyaan dagaalka,  isla markaana labada beelood ixtiraamaan baaqyada nabadeed iyo ergooyinka kala dhexgalaya.
 
Md. Baashe Maxamed Faarax oo shalay xafiiskiisa ugu waramay  saxaafadda  waxa kale oo uu sheegay  in xal u helida arrintan lagu dhamaayo hab dhaqan.
 
“Waxa   laba reer oo walaalo ah.   Dagaal wax allaale wax uu taraa ma jiro  dagaalka Soomaaliduna waa dhibaato uun iska socota.  Waxaanu  u soo jeedinaynaa inay  dagaalka ka waantoobaan oo caqligu shaqeeyo,  oo ay xabbadda joojiyaan, oo ay maqlaan dadka Ergada ah ee jooga Taleex.  Ergaduna    waa inay kala dhex galaan beelaha. Waa in heshiiskaasi  laga dhigaa mid aan soo noq-noqon, waa in laga dhigo heshiis adag oo tolku talaabo adag ka qaadaan.”  Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax
 
Baashe  oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Waxaanu labadaas beelood u soo jeedinaynaa dagaal waxba ma taro, laguma kala guulaysto oo guul ma keeno,  waxaad  dilaysaa waa walaalkaa If iyo Aakhirana waad seegaysaa, waxaad dilaysaana waa Ninkii garabkaaga ahaa ee reerka kula Oodi lahaa ee kuu ciidamin lahaa.
Waxaanu u  soo jeedinaynaa in si Islaamnimo ah loo dhex galo labada reer,  iyaguna si dhakhso ah u joojiyaan dagaalka, waxaanu ka rejaynaynaa  inay maqlaan Ehelka iyo Ergooyinka  dhex-dhexaadinaya  oo  dagaalkuna sidaa ku joogsado,  sidaas ayaanu rajaynaynaa,  iyagana   ka codsanaynaa.”
 
Waxa kale oo uu sheegay Baashe, in salaadiin iyo cuqaal badan ay ka baxeen Sool, si ay u dhex-galaan beelaha walaalaha ah ee Taleex  dirirtu ku dhexmartay, isagoo tilmaamay in arrimaha noocaasi ah ay ku fiican yihiin in lagu dhameeyo dhaqan ahaan.
Waxaanu yidhi “Salaadiin iyo cuqaal badan ayaa ka baxay degaanka Laascaanood, markaas arrintan oo kale waxa ku fiican in dhaqanka loo daayo, haddii laga maarmi waayo waxay noqonaysaa in Guurtidu tagto oo dad isku dhafan oo kala reero ahi meesha tagaan, laakiin.  Xagga siyaasiyiinta arrintan oo kale waxay ku haboon tahay in loo daayao dhaqanka.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply