“Shacabka Reer Awdal Ee Dibada Joogaa Boqolkiiba Sagaashan Waa Reer Somaliland, dadkana Waxa Fikirkooda la Qaataa Halka Loo Bato”Saylici

0
481

Hargeysa (Dawan) – Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in xukuumadda iyo beesha caalamkuba ay ka midaysan yihiin in la koriyo oo la kaalin-geliyo dimuqraadiyadda Somaliland.
 
 
 
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sidaasi ka sheegay  mar uu ka hadlayay madaarka Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku soo maray dalalka Maraykanka iyo Canada, waxa madaxweyne Ku xigeenka shalay madaarka ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, Salaadiin iyo dadweyne kale waxa kale oo uu sheegay in quraba jooga reer Awdal ee ku dhaqan dalka dibadiisa ay ka midaysan yihiin jiritaanka iyo qaranimada dalka, islamarkaana ay aanay cidi ka xigin Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu faahfaahin ka bixiyay socdaalkii uu ku tagay dalalka waqooyiga Maraykanka, waxaanu yidhi “Waxaan socdaal ku tagay waqooyiga Maraykanka oo kala ah dalalka Canada iyo Maraykanka, ujeedada ugu weyn ee aanu u tagnayna waxay ahayd in aanu soo xog-waraysano oo dalka uga warano Jaaliyadaha reer Somaliland ee labadaa dal degan, waxaannu isku hawlnay in aanu gaadhno gobolada Jaaliyadaha reer Somaliland ku badan yihiin, Maraykankana waxaanu ka marnay afarta Magaalo ee Jaaliyadaha ugu badani ay degan yihiin oo ah Caasimada dalka Maraykankan Washington, Minneapolis, Seattle iyo Ohio, halkaa waxaannu kala kulanay Jaaliyad qiimo badan oo Muwaadiniin ah oo si sharaf, karaamo iyo wadaninimo ku dheehan tahay noo soo dhaweeyay, annaguna waxaan uga waranay dalka iyo xaaladihii jiray iyo wixii tallo iyo tusaale ah ee ay noo soo dawladda u jeedinayeen waanu  ka soo qaadnay. Waxa kale oo aanu ka hawlgalnay sidii ay iskugu duubnaan lahaayeen oo ee maanta dalka curdinka ah ee himilada dheer wata sidii uu qaran u noqon lahaa looga shaqayn lahaa inay ka shaqeeyaan oo  ay midoobaan sidii danta, himilada iyo horumarka Somaliland u suurto geli lahayd, afartaas Magaalo markaanu dhaafnay waxa iigu shan ahayd Magaalada New york oo aan ka qaatay fiisahii aan ku tagayay Canada oo aniga oo Wado Diblamaasiyadeed u maray oo la igu siiyay meel Diblamaasiyiinta uun laga siiyo oo la igu   ixtiraamay.”
Md. Saylici waxa uu intaas ku daray “Waxaannu u gudbnay Canada oo qorshahayagu ahaa in labada Magaalo ee ugu waaweyn Toronto iyo Ottawa, laakiinise markii socdaalkayagu naga soo dhamaanayay oo ku tallo galkayagu ahaa in 23 bishan aanu soo noqono ay na soo codsadeen Jaaliyad runtii aad u weyn oo degan gobolka la yidhaahdo Alberta oo ah gobol cusub oo sannadahan laga helay khayraadka shidaalka ay Jaaliyadu nagu soo qaylisay, dabadeena aan Madaxweynaha la soo hadlay oo aan idhi Jaaliyadaasu halkaa wey iga soo codsadeen oo iga ogolaaday aan dib ugu dhacay inaan soo baxo 28 bisha, iyagaana aanu ku soo xidhnay booqashadii aanu ku soo marnay Jaaliyadaha, Jaaliyada reer Canadana waa kuwo isku xidhan oo wada socda oo markaan ka hadlo shirarka gaarka ah ee doceedyada aanu ku soo dhamaynay wixii dhexyaalay hadduu khilaaf jiro ama kala qaybsanaan oo mar walba aanu lahayn Xisbiyada iyo Xukuumaddu waa isku mid. Halkan markaad joogtaana waxaad tihiin Ummadd reer Somaliland.”
 
 
 
Madaxweyne ku xigeenka oo la weydiiyay in qaar ka mid ah qurabajooga ku dhaqan wadamadaas uu soo maray ay taageero siiyaan Suldaan Wabar iyo Kooxdiisa, waxa uu ku jawaabay “Horta dad aad u fara badan maaha, dad qiimo weyn iyo muhiimad la siiyana maaha ee waa in yar oo kooban, intii aanu is gaadhnay way ku qanceen markii aanu is aragnay. Waxaannu u sheegnay inaan qaranimada Somaliland cidi ka lahayn oo shalay Madaxweyne ka ahaayeen, maanta ay joogaan, dorraadna joogeen.Markaa dadka fikirkooda laga qaataa inta badan, Bini’aadamkuna wuu kala duwanaan karaa,  Laakiin  Boqolkiiba Sagaashan (90%) dadka reer Awdal ee dibada joogaa waa reer Somaliland. Beesha caalamka iyo annagu meel baanu u wada soconaa, Dimuquraadiyadeenna in aanu kobcino ayaanu u wada soconaa, wixii tallo iyo tusaale ahna qarankay u wada yaalaan.”
 
 
Dhinaca kale Wasiiru dawlaha Wasaarada waxbarashada Md. Axmed Nuur Faahiye oo ka mid ahaa weftigan uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenku ayaa ka waramay saraakiil ka tirsan dalka Maraykanka oo ay la kulmeen, waxaannu yidhi  “Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisu waxay la kulmeen xubno ka tirsan Congerska Maraykanka, waxa kale oo aanu la kulanay dad ka mid ah Shirkadaha waaweyn ee Maraykanka iyo Canada. Waxa kale oo Seattle Washington oo aanu halkaa kula kulanay Jaaliyada reer Somaliland ee halkaa ku dhaqan, waxa kale oo aanu tagnay Edmonton oo ahayd halkii aanu ku soo xidhnay safarkayagii waqooyiga Maraykanka.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply