Axsaabta Mucaaridka Barnaamij u Noqon Mayso Inay Ribeeyaan Baashe Cawil

0
540

Marka aad muwaadin aan waxba galabsanin burush wasakh leh isku daydo Inaad mariso sharaftiisa iyo cirdigiisaba, waa dhito qadhaadh oo adiguna aad maalin uun dhaqmi doonto dacarteedda. Waxaan uga socdaa waxa  xiliyo kala duwan siyaasiyiin waaweyn oo mucaarid ah  aynu ka maqalaa eedo samays ah oo  aan xaqiiqda caaro ku lahayn oo ay u jeediyaan,  kuna eedeeyaan muwaadin Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ah nin dhalinyarro ah oo aqoon yahan ah oo aan wax xil ah xukuumadda ka haynin, hase yeeshee  dad badani iska ribeeyaan isagoo aan waxba galabsan. Kaliya waxa lagu eryanayaa, ay tahay  inuu madaxweynuhu soddog u yahay!.
 
Marka ay sidaasi tahay waxa dhammaan sida xumbadda oo kale u gudhay oo beenoobay eedo tiro badan oo ku wajahnaa  inuu Gurri  weyn oo ban-gallo ah ka iibsaday Nairobi, Iyadoo dad badani ay soo taabteen in ay ahayd sheeko xariiro aanay waxba ka jirin, iyadoo uu Baashe Kenya ka degan yahay Guri kiro ah oo dad badan oo reer Somaliland ahi ku arkeen.
“Waxaan ka shakiyaa run sheegnimadda siyaasiyiinta mucaaridka ah qaarkood, markay yidhaahdaan Baashe Cawil waxa uu Nairobi ku leeyahay Guri uu lacag badan ku iibsaday. Waxaan Baashe degan yahay oo dad badani ku arkeen Guri kiro ah,”ayuu yidhi muwaadin reer Somaliland ah oo degan magaaladda Kenya.
Muwaadin Baashe waxa uu tusaale nool u yahay dhalinyarrada reer Somaliland ee ka faa’iiday qurbaha oo uu ka kasbaday aqoon isla markaana uu ka shaqeystay. Waxa uu tacliinta sare ku qaatay dalka dibadiisa, waxaanu jaamacadda  London University  ku diyaariyay  digriigiisii u horeeyay oo uu ku takhakhusay Chemistry. Waxaannu Master-tii  ku bartay   Petrochemistry ka dib markii uu deeq waxbarasho ka helay jaamacadda Manchester University.
 
 
Waxa xusid mudan inuu Baashe Cawil Gurri ku lahaa gobolka California  ee dalka Maraykanka oo uu ka shaqeynayay muddo toban sannadood ku siman,isagoo  la shaqayn jiray  shirkad caalamiya oo  farsamaysa mishiinadda caafimaadka lagu baadho oo la yidhaahdo Thermo Fisher Scientific,  waxaanu xilkiisu ahaa cilmi baadhe  (Research Scientist). Waxa kale oo uu u soo wareegay magaaladda Manchester ee dalka Ingiriiska, waxaannu halkaasna ku lahaa Guri sannadkii 2007-dii.  Marka halkaas laga shiidaal qaato, ma odhan karno waxa uu ahaa nin baahan oo baahi u qaba inuu hanti qaran hunguri ka galo.
 
Haddaba, xisbiyadda mucaaridka ah ee aan ajandaha lahayni waxay mawduuc siyaasiya ka dhigtaan eedaymo been abuur ah oo ay u jeediyaan Baashe Cawil oo ay kolba soo alifaan sheekooyin waxba kama jiraan ah oo ay yidhaahdaan waxa uu qaatay qandaraasyo dhaqaale oo lagu naas-nuujinayo. Kuwaasi oo  aanay waxba ka jirin.
Waxaan ku bogaadinayaa ninkaas dhalinyarrada ah in aanu marna ka hadal hafarka iyo beenta dusha laga saarayo. Isagoo muujiyay bisayl iyo isku kalsooni markii uu xaaleyn waayay ayay rag badani  isla yaabeen oo ay ka waantoobeen deel-qaafkooda indho la’aanta ahaa, halka kuwo kalena ay wali ku sii indho adag yihiin eedaymaha aan cagaha adag ku taagnayn.
By: Siciid Cabdi Nuur
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply