“Cirro Iyo WADDANI Waxay Ka Dhigan Yihiin Bakhtiga Ma Cunee Fuudkiisa Ayaannu Cabnaa”

0
499

Hargeysa  (DAWAN)- Chief Caaqil Axmed  Ciise Cumar, oo ka mid ah cuqaasha gobolka Maroodi-jeex, ayaa sheegay in Guddoomiye Cirro iyo xisbigiisu ka dhigan yihiin “Bakhtiga ma Cunee Fuudkiisa ayaannu cabnaa.”, waxaannu ku dhaliilay in aanay Dhawaaqooda iyo ficilkooda la xidhiidha muddo kordhintu is waafaqsanayn.
 
Sidaasna waxa uu ku sheegay Chief Caaqil Axmed Cumar Ciise oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Subeer-celi, qoraal uu xalay soo gaadhsiiyay wargeyska DAWAN  oo u dhignaa sidan:-
“Waxaan maanta qalinka u qaatay qodabbo ay iila muuqatay inay muhiim yihiin  in laga hadlo.  Waxaanka afeef dhiganayaa in aanan xisbiyada iyo siyaasadda ka madax dhaqameed ahaan midna ku taageersanayn,  laakiin maalinba cid aan u arko in ay wax ka khaldan yihiin inaan siday wax uga khaldanyiin aan u sheego haddii ay xukuumadda tahay iyo haddii ay mucaaridka tahayba oo  mid kastaaba  halka uu wagdaha ka leeyahay aan si fiican ugu bal-balaadhiyo si uu dhaliishaa isaga awdo haddii ay isaga la noqoto.
 
Haddaba haddii aan ujeedada maqaalkayga u galo Waxaa todobaadadan Warbaahintu aad u qaadaa dhigaysay muddo kordhin la filayo in Guurtidu u jidiidiso  muddo xileedka Madaxwaynaha iyo Golaha Wakiilada, taasoo Guddiga doorashadu soo gudbiyeen in aan dalka doorasho laga qaban karin illaa bisha lixaad ee sannadka dambe June 2016-ka,  sidaasi oo ay tahay lama garan karo go’aanka ay Golaha Guurtidu qaadan doonaan maadaama sharciyan ay iyagu leeyihiin muddo kordhin in ay u sameeyaan Golayaasha kala duwan ee qaranka oo ay horeba ugu kordhiyeen Goleyaasha  Wakiilada deegaammada iyo waliba madaxwayeyaashii hore ee dalka soo maray.
Sidaasi oo ay tahay dad badani waxay is waydiinayaan  ma intii Guddiga doorashadu ay soo jeediyeen bay ku salayn doonaan  muddo kordhintooda,  mise way dhaafin maadaama xaqa kordhinta dastuurku siiyay.
Haddaba, halka aan u socdaa waxa weeye xisbiyadda mucaaridku waxay ku cel-celinayeen siiba xisbiga WADDANI  in aanay aqbali doonin muddo ka badan inta guddiga doorashadu soo jeediyeen.Waxa aynu dhamaanteen ognahay in Gudoomiyaha xisbiga WADDANI  uu yahay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo isla markaanna uu saxeexay xeer is waafajinaya doorashada madaxweynaha iyo ta Wakiilada isla markaana muddo kastoo madaxwaynaha loo kordhiyaba uu la socdo.
Marka xaalku sidaa yahay Guddoomiyihii xisbiguna korodhsiimada raaco isla markaanna yahay qofka afraad ee dalka ugu sareeya hab maamuuska dastuurkeenna ku qoran haddana uu leeyahay wax muddo koradhsiimo ah  oo aan aqbalaynaa ma jiro isla markaana aanu is casilin ee uu xika sii hayo, miyaan sheekadu noqonayn Maah maadii Soomaaliyeed ee  odhan jirtay  “ANIGU BAKHTIGA MA CUNEE FUUDKIISA AYAAN CABAA.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply