Biyaha Rooxaanta Lagu Saaro

0
749

Gabadh Ruush ah ayaa ilmaheeda quusisay goob berkad ah oo ay doonaysay inay ugu maydho. Gabadhan ayaa aaminsanayd in ilmaheeda yar uu ku jiro shaydaan iiyadoo doonaysay inay kagag saarto biyahan oo lau sheego inay yihiin kuwo barako leh. Booliska Ruushka ayaa sheegay inay xidheen Tamara Ratiove oo 40 jir ah ka dib markii ay gabadh yar oo ay dhashay laguna magaacabi jiray Tanila oo 3 sano jirtay ay u qaaday goob lagu maydho oo ku taalla magaalada Keruofee oo ah badhtamaha Ruushka ka dibna ay biyaha quusisay si u kas ah iyadoo ujeeda inay dawo uga dhigayso.    Gabadha  yar ayaa nee qabatowday waxayna usoo qaaday dhinaca guriga iyadoo sariirta dhigtay. Waalidka aabaha u ah oo 45 jir ah ayaa shaqada ka yimi waxaana uu ula cararay dhinaca dhakhtarka markii uu arkay xaaladda gabadh yar. Gabadha ayaa mar danbe ku geeriyootay dhakhtarka. Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay u dhimataya neefta oo ku dhegtay. Hooyadan ayaa sheegtay inay doonaysay inay ka saarto rooxaan shayaadiin ah oo gabadhan yar dhibay , biyaha ay dhex gelisay aya ah biyo ay ka barakaystaan dad badani. Waxaana ay aaminsan yihiin in marka ay cabaan uu ka baxayo shaydaanku. Sida lagu daabacay wargeyska kyoum Biyahan ayaa ah kuwo ay dad badani aaminsan yihiin in rooxaanta lagu saaro.

Leave a Reply