Qaramada Midoobay oo Cambaareysay Duqaynta Yemen

0
319

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen ayaa sheegay in xulafada ay Sacuudigu hogaaminayaan ay duqaynayaan ‘shacabka go’doonsan’.
Shacabka ku sugan magaalada waqooyiga ku taala ee Sacda ayaa dhibaato kala kulmaya sidii ay uga baxsan lahaayeen, weerarada ay xulafadu ku bartilmaameedsanayaan jabhadaha Xuutiyiinta ah, sida ay sheegayaan hay’addaha gargaarka iyo wararku.
Qaramada Midoobay waxaa kale oo ay ka digtay in shuruucda caalamiga ah aysan ogolayn in si aan kala sooc lahayn loo duqeeyo meelaha ay dadku degan yihiin.
Duqaymaha xagga cirka ah waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 1,400, kuwaas oo in kabadan kala badh ay yihiin dad shacab ah sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.
Weerarada xagga cirka ah ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday guriga madaxwaynihii hore Cali Cabdallah Salax oo ku yaala caasimadda Sanca galinkii hore ee Axadda.
Waxaa la sheegay in aanu weerarkaasi waxba ku noqonin Madaxwaynihii hore.
Saalax waxa uu xulafo la yahay Xuutiyiinta, Kuwaas oo sanca la wareegay sanadkii hore iyaga oo ka soo tagay saldhigoodii waqooyiga Yemen, haddana waxa ay gacanta ku hayaan inta badan dalkaasi.

Leave a Reply