Cabitaanka Coffee-gu Waxay Kordhisaa Farxada Qofka

0
359

Sida uu qoray wargeyska lagu magcaabo Time ,khubarada caafimaadka ayaa sheegay in cuntada oo si fiican loo qaataa ay keento inay naftu noqoto mid raaliya,sidoo kalena ay la dagaalanto murugada iyo waxyaalaha nafta diiqada geliya.
Sidoo kalena sida lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Gamma,khubaro ku takhasusay  dawooyinka ,arrimaha caafimaadkana aad uga faalooda oo dhowaan sameeyey daraasad ayaa sheegay in Coffee-gu yahay mid haddii subixii salaada hore la cabo keena farxad,isaga oo markasta qofka kusii siyaadinaaya farxadaasi.
Waxay khubaradani sheegeen in haddii dumarku ay cabaan maalintii ilaa saddex koob oo Coffee ah in ay ka badbaadayaan 15% caajiska iyo xanuunada laga qaado ama uu keeno caajiska iyo werwerku.
Khubaradan ayaa sidoo kalena sheegay in cunitaanka Khudradu ay keento deganaan,iyada oo haddii toddobaadka la cuno khudradaasi ay ka dhigto qofka mid moraalkiisu sareeyo naftiisuna degan tahay,sidoo kale khubaradan ayaa sheegay in Shokolaatada madow oo la cunaana ay keento qofka oo farxad dareema,madaama oo laga sameeyey waxyaalaha Coffee ga laga sameeyo ama midhaha Coffee-ga.
Toddobaadkii oo la qaato 30 gram oo Dark Chocolate ahi ,waxay keentaa inuu yaraado Caajisku,iyada oo laga yaabo siday khubaradaasi sheegeen inuu xanuuno badan qofka ka kexeeyo.
Daraasad kale oo ay sameeyeen khubaro u dhalatay wadanka Japan ayaa sheegay cabitaanka 5 koob oo shaah ah maalintii inay keento deganaan iyo farxad,madaama oo ay ka kooban tahay Vitamin D,waxaanay hoos u dhigtaa caajiska ayay yidhaahdeen khubaradani tiro dhan 20%.
 

Leave a Reply