Maraykanku Dunida Wax Kasta Kuma Hogaamiyo

0
375

Waxa in badan la isku raacsan yahay in Maraykanku uu yahay dawladda ugu xooga badan, Milateri, siyaasad iyo dhaqaale ahaanba. Laakiin haddana Maraykanku Maaha mid wax kasta ugu horeeya aduunka.
Shebekada Internetka waxa abuuray Maraykanka, Computerka isaga ayaa sameeyay iyadoo dhamaan shirkadaha technologiga badankooduna ay yihiin Maraykan.
Haddana marka aan ka hadlayno xawaaraha Internetka ee dalalka dunida, Maraykanku xataa ku jiro  liiska tobanka dal ee ugu sareeya xawaaraha Internetka.
Sida laga soo xigtay baadhitaano ay samaysay CNN, waxay sabab uga dhigtay  tahay suuqyada ganacsi ee Maraykanka iyo sida ay u sheqeeyaan kuwaasi oo ay ugu weyn yihiin Newyork iyo kan wall street.
Dhinaca shidaalkana Maraykanku waa kan ugu isticmaal badan dunida, laakiin Maaha kan ugu soo saarka badan shidaalka. Dunida shidaalka ugu badan waxa soo saara Ruushka, ka labaadna waa sacuudiga iyadoo kaalinta sadexaad uu noqonayo Maraykanku.

Leave a Reply