‘Run iyo Daacad u fuli Hawsha aad Qabanayso’ Imam Qasaali

0
609

Xakiim ibn Xizaam (A.K.R.) wuxuu yiri: nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Heshiiska wax kala gadasho waa laga noqon karaa inta ayan kala tegin labada wax kala gadanaysa. Haddii ay sheegaanna runta oo ay  caddeeyaan wax waliba oo la xiriira badeecada iyo iibkooda, waa loo barakeeyaa labadaba, haddii ayse been ku hadlaan oo ay qariyaan waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo oo daaha laga qaado, barakada iibkaasi waa laga qaadaa.   (Bukhaari iyo Muslim)
Fiiro gaar ah: Runtu guud ahaan waxaa loola jeeda inaad ku hadasho run, Islaam ahaan runta waa wax macno ballaaran, oo waxaa soo galaya ka run sheeggidda camal kasta oo aad qabaneyso. Qofkuna waxay hadalladiisu iyo camalkiisu toosayaan markii ay is waafaqaan waxa uu ku hadlayo iyo waxa uu uurka ku heysto, taa baana la yiraa run. Imaam Ghazaali wuxuu sheegay lix nooc oo ay runtu u kala qaybsanto:
inaad run ku hadasho.
inay niyaddaadu run iyo daacad tahay.
inay run kaa tahay guddoonka iyo go’aanka aad qaadaneyso.
inaad si run iyo daacadnimo ah aad u fuliso go’aankaas.
inaad si run iyo daacad ah howsha aad qabaneyso u gudto.
inay run iyo dhab ka ahaato diinta iyo iimaanka aad sheeganeyso.oo qowl iyo ficilba aad u muujiso.
 
 

Leave a Reply