Diyaaradda ku shaqeysa solarka oo la hakiyay

0
368

Isku daygii u dambeeyay ee duulintaaanka diyaarad ku shaqeyneyso Solarka kaliya ayaa dib loo dhigay.
Diyaaradan ku shaqeyneysa solarka ayey aheyd in ay kasoo kacdo Shiinaha iyada oo ku wajhanayd Haway.
Balse kooxda ka shaqeyneysa barnaamijka diyaaradda ayaa go’aanka gaaray ka dib markii ay sheegeen in ay xuntahay hawada badda Pacific, taas oo dib u dhac ku ah dadaalka.
Waxay sidoo kale duuliyaha ku amreen inuu dib ugu noqdo dalka Japan, halkii uu ka aadi lahaa Haway.
Lix maalin oo diyaaradda ay Haway ku duuli lahayd ayaa loo arkay in tijaabada ugu weyn ay tahay ee safarka diyaaraddan ugu horeeya.
Diyaaradda. oo leh baalal waaweyn sida diyaaradaha waaweyn oo kale, ayaa fadhiga ama qeybta dadka qaado waxa ay u baahan tahay dabeyl iyo cir aan daruuro lahayn.
 

Leave a Reply