Khubarro Soo Saartay Robot Wax Lagaga Qaban Karo Xanuunada Jidhka Hoostiisa Ku Dhaca

0
364

Laboratory-ga dhinaca Computer Science ka ee jaamacadda Massachusetts Institute of Technology (MIT) ayaa soo saaray robot yo cusub oo awood u leh inay galaan jidhka hoose ee bani’aadmiga, kuwaas oo wax lagaga qaban karo xanuunada dadka kaga dhaca meelahaasi, gaar ahaana uur ku jirta.
Waxaanay khubaradani sheegeen inay rajaynayaan in qalabkani door muhiima ka qaato daweynta dadka ee mustaqbalka soo socda,waxaanay khubaradani isugu jiraan kuwo ka shaqeeya samaynta Mobiles ka iyo kuwo kale oo ka shaqeeya Electronic Engineering ka ,waxaanay fikirkan soo bandhigeen waqtigii lagu jiray shirkii caalamiga ahaa ee khubarada samaynta qalabka Robot ka,iyaga oo waqtigana soo daayey ikhtiraaciisa.
Marka loo eego kooxdan cilmibaadhista samaysay ,sidoo kalena ku hawlan sidii ay qalabkan uga dhigi lahaayeen kuwo aad u yar yar oo si fudud u geli kara jidhka dadka,kaas oo lagu daweynaayo ,waxaana lagu xidhayaa kamarado lagu soo duubaayo jidhkaasi,laguna ogaanaayo xanuunka haya jidhka.
Robot kan ayaa gelaaya jidhka ,iyada oo si fudud loogu burburinaayo waxyaalaha keenaaya xanuunka ee bacteria-da ah,sidoo kalena  waxa uu xambaari karaa dawo lagu shubaayo oo si toosa loogu laynaayo waxyaalaha keenaaya xanuunkaasi,taas oo si toosa loo daawanaayo xiliga la dawaynaayo madaama oo ay ku xidhan yihiin kamarado.
Robots-kan ayaan u baahnayn wax beyteriyo ah oo la geliyo,sidoo kalena aan u baahnayn waxyaalaha kale ee waayiradda ah,iyada oo ay aaminsan yihiin khubaradani in qalabkani caawin doono habka xanuunada looga dabar goynaayo jidhka dadka.
 

Leave a Reply