Ardayda jaamacadaha Nigeria oo Gaadhi Sameeyey

0
288

 
Ardayda kuliyadda Mechanical Engineering ee jaamacadda Ahmadu Bello University (ABU) ayaa dhamaadkii todobaadkan soo saaray gaadhi yar, waxana soo bandhigistii warbaahinta loo soo bandhigay gaadhigaasi uu Dhiinka kulliyadaasi Dr. Mohammed Dauda ku tilmaamay inuu yahay gaadhi la saaxiib ah deegaanka, sanadkana uu ka qayb qaadan doono tartanka orodka marothon-ka ee loo yaqaano ‘Shell Eco Marathon Competition’.
Dr Dauda oo arintaa ka hadlaya waxa uu U SHEEGAY Wargayska dalka Nigeria ee Daily trust sidan: ‘ anaga oo ka duulayna siyaasadda xukuumada ee dhanka gaadiidka, waxaan odhan karaa in farsamayntii iyo soo saaristii kuliyadayda ay soo saartay gaadhigan waxaa suurogeliyey shirkada Shell ee horumarinta shidaalka Nigeria, waxayna ku casuumeen jaamacadayadu inay ka qayb gasho tartanka Eco Marathon”
Dhinaca tartanka waxaa lama huraan ah in gaadhiga ka qayb gelayaa uu isticmaalayo shidaalka ugu yar, isla markaana gaadhi karo masaafo durugsan, iyadoo tartanku yahay ,id hore loogu qabtay Maraykanka, Yurub iyo asiya.
 
Dr Dauda oo sidoo kale sheegay in dhamaan qalabka gaadhigan  lagu sameeyey dalka gudihiisa, waxyaabaha la yaabka lehna ay ka mid tahay qaybtiisa dabka, tanina waa tusaale cad oo muujinaya waxa aynu qaban karno, anigoo ku adkaysanayaa in 100% qalabka gaadhigan lagu sameeyey laga soo saaray dalka gudihiisa gaar ahaan magaaladan Zaria ee Dalkan Nigeria.
 

Leave a Reply