Xoojinta Tayada Beeraha, & Hagaajinta Adeegyadu Waa Furaha Tartarka Dhaqaale ee Afrika (Warbixin)

0
351

Rajada dhaqaalaha Afrika ‘ee muddada-dheer, iyo  koboc dhaqaale oo la isku hallayn karaa waxay weli ku hoos jiraan   cabsi ka iman karta  tamar darro ku timaadda  xaaladaha muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah dhaqaalaha iyo tartan rasmi ah oo wax soo saar, inkastoo ay muuqato koritaan caafimaad qaba oo meelaha qaarkood laga dareemayo, sidan waxaa lagu sheegay warbixin la sii daayey intii uu socday shirweynahii caalamiga ahaa ee Dhaqaalaha dunida ee todobaadkan ka dhacay Magaalada Cape-Town ee Dalka K/Afrika.
Warbixinta ku saabsan tartanka dhaqaale ee qaaradda  oo labadii sanadoodba mar la sii daayo si wadajir ahna ay u soo saaraan hay’adaha ay ka mid yihiin Bankiga Horumarinta Afrika, Hay’ada Iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta, Baanka adduunka iyo Shirweynaha Dhaqaalaha dunida ayaa cinwaan looga dhigay isbedelada dhaqaalaha Afrika, iyadoo warbixintu isu gaysa bayaanada laga jeediyo shirweynaha Caalamiga ah ee Dhaqaalaha Aduunka, gaar ahaan xogta ku saabsan sadexda fure ee horumarka qaaradda oo kala ah dhaqdhaqaqa dhinaca dhaqaalaha, wax soo saarka beeraha, kobcinta adeegyada iyo isku xidhka qiimaha ee qaarada iyo dunida inteeda kale.
Arinta lama huraanka loo arkay waxay noqotay in maadaama dhalinyaradu ku badan tahay qaaradda Afrika oo korodhka dadweynaheeduna kor u socdo maalinba ta xigta in shaqaalahu ahaadaan kuwo door lixaad leh ka qaata horumarinta qaaradda
Qodobada ugu waaweyn ee warbixintan ku jira waxaa ka mid ah kuwan hoose
Horumarka wax soo saarka Beeraha: Beeraha ayaa ah ilo muhiim u ah dakhliga  inta badan shacabka Afrika, laakiin wax soo saarkoodu   weli yahay mid aad u yar  oo ku salaysan wax soo saarka raashin yar-yar. iyadoo hadii si wadajir ah loo isticmaalo Tiknoolajiyada Beeraha iyo isgaadhsiinta caalamiga ah ay keeni karto in ay hagaagto xaalada beerahsada iyo waraabka ee qaaraddu. lagana hawlgalo xallinta mushkiladaha hortaagan kobcinta wax soo saarka beeraha sida in la hagaajiyo xaalada cududa haweenka qaaradda oo ah awooda ugu balaadhan ee ka hawlgasha beeraha isla markaana midhaha soo xerooda loo helo suuqyo caalami ah oo ay ku tartamaan.
Adeegyada Faa’iidada Leh: Baadhitaanadii La sameeyey dhowaan waxay caddaynayaan in ganacsiga qaarada Afrika uu ka weyn yahay oo ka badan yahay sidii hore loo arkayey, gaar ahaan dakhliyada uga soo noqda qaybo ka mid ganacsigooda, iyadoo la dhimay kharashkii ka geli jiray, adeegyo wanaagsana ay u sameeyeen, wadamaduna ay wadaagaan qiimo xidhiidhsan oo gudaha qaaradda iyo banaankeedaba gaadha.
Warbixinta oo xambaarsan  ilaa 40 qaybood oo dhaqaalaha ka mid ah  oo muujinaya tartanka ay Qaaradda afrika u gelayso dhaqaalaha Dunida, waxaana ka faa’iidaysta warbixintan, dadka leh go’aamada siyaasadeed, khubarada dejisa qorshayaasha istiraatijiyadeed ee ganacsiga, maalgashadayaasha iyo daneeyayaasha Kheyraadka Qaaradda.
 

Leave a Reply