Mufakiriinta Afrika Waxaa Katiinadeeyey Nadaamka Ilaalinta Hantida Aqooneed

0
282

By Mercedes Sayagues
Kartida xaga fikirka cusub ee wax curinta  iyo daah qaadista farsamooyinka casriga ah ee Qaaradda Afrika ayaa u muuqda xiligan inay u baahan  tahay inay u shaqayso si dheeraad ah si ay taageero ugu gudbiso  ganacsatada iyo hantiilayaasha Qaaradda, sida ay qabaan mufakiriinta u dhashay Qaaraddu.
ergooyinkii dhowaan soo xaadiray munaasabada lagu bixinayey guulaha ay gaadheen ama ikhtiraaceen dad afrikaan ah oo ka dhacday Skhirat, Morocco ayaa waxa mufakiriinta badankoodu ka sheegeen in ay ku adag tahay inay fikradahooda u bedelaan ficil maadaama shuruucda ku saabsan dhanka curintu ay weli daciif ka tahay qaaradda gudaheeda, iyadoo in badan oo dadka  curiya mihnadahu  ay ku adkaysteen in isku daygooda ay ku doonayaan inay fikirkooda kaga diiwaangeliyaan wax soo saaraha u abaahan ay adag tahay maadaama aanay dalalka badankooda ka jirin shuruuc arimahani ku saabsan.
 
Tusaale ahaan mid ka mid ah dadkii sanadkii hore ku guulaystay abaalmarinta ilaalinta hantida aqooneed (IPA) oo ah ninka u dhashay Dalka Togo Mr Logou Minsob ayaa waxa uu ku helay abaalmarinta  markii uu allifay mashiinka noociisu yahay Foufoumix, oo muddo sideed daqiiqqo ah oo keliya ku ridqaya oo budo kaga dhigaya xidida geedka qudaarta cagaaran ka mid ah ee loo yaqaano Yam-ka. shaqadaas oo muddo saacado ah ku qaadan lahayd qofka gacanta ku qabanaya ee ku tumaya Mooyaha iyo Tibta.
Xiligan waxaa laga joogaa muddo sanad ah markii uu Mr Minsob ku guulaystay abaalmarinta qiimaheedu yahay 25.000, waxaa mashiinkii uu curiyey laga isticmaalaa dalalka Galbeedka qaaradda Afrika iyadoo weliba lagu helo qiimo jaban, waxana Minsob uu ka helay hay’adda ilaalinta hantida aqooneed ee Afrika xarun uu wax ku soo saaro oo laga yagleelay Dalka kamaruun.
Dhanka kale hay’ada caalamka oo dhan u qaabilsan ilaalinta hantida aqqooneed iyo ta fikir  World Intellectual Property Organisation’s (WIPO oo ka hawlgasha ilaa 150 wadan ayaa cidhiidhi gelisay ka qayb qaadashada curiyayaasha qaaradda Afrika tartanada caalamiga ah, halka sidoo kalena garsoorka hay’adaasi ee dadka kala saaraa ay u muuqdaan kuwo ka sii jeeda Afrika iyagoo hoos u dhigay niyadii ka qayb galayaasha Afrikaanka ah ee tartanada ay qabato Hay’ada WIPO, taas oo sanadkii 2013 lagu xareeyey dalabyo ka qaybgal oo gaadhayey 2.5 adduunka oo dhan, inkastoo afrika ay ku lahayd wax u dhigma 0.6 % oo keliya iyagoo gudbistay codsiyo ka qaybgal oo gaadhaya 14,900 .
Dadka codsiyada ka qaybgalka tartanka wax curinta ka soo dhiibtay Qaaradda aasiya oo tiradoodu gaadhaysay 1.5 million ayaa buuxiyey  58.4 % , xilli ay qaaradda ameerikaanka ka qaybgalka tartanka soo codsadeen dad tiradoodu gaadhaysay 606,000 kuwaas oo helay 23%.
Hadaba iyadoo dadka wax curiya ee qaaradda Afrika ay caqabadda intaa le’eg kala kulmaan Hay’adda ilaalinta hantida aqooneed ayaa tartankii sanadkan 2015 waxaa abaalmarin helay Adnane Remmal, aoo ah biotechnology professor ka tirsan jaamacadda Sidi Mohamed Ben Abdellah ee Magaalada Fes, Morocco.  isagoo Proffosor-ku daah qaaday dawo cusub oo xumad jebinta xoolaha nool ah.
 
 
 
 

Leave a Reply