Dhakhtar Jebiyay Amar ahaa in aanu Dhexgelin Bulshada

0
272

Dakhtar u dhashay Kuuriyada Koofureed ayaa jebiyay amar ahaa in uu ka fogaado goobaha bulshada isugu timaado,
kaddib markii uu dhakhtarkaasi ku dhacay cudurka neefmareenka ku dhaca ee loo yaqaano ‘Middle East Respiratory Syndrome’ (mers), oo uu ka qaaday qof uu ka daweynayay.
Saraakiil ku sugan caasimadda Seoul ayaa sheegay in dhakhtarka uu amarka kaddib sii shaqeynayay, oo uu ka qeyb galayay shirar ay qeyb ka yihiin dad ka badan 1,500 oo qof.
Afar qof ayaa dalka Kuuriyada Koonfureed ugu dhintay Mers, 41 kalana waxay qaadeen cudurkaasi.
Safmarkan ayaa ah kii ugu ballaadhnaa ee ka dilaaca meel ka baxsan bariga dhexe, iyadoo dalka Sacuudi Carabiya uu yahay halka cudurkaasi lagu arkay markii ugu horeysay 2012-kii.
Saraakiisha Seoul ayaa sheegaya in dhakhtarka lagu arkay calaamadaha cudurka Axadii lasoo dhaafay, isla markaana loo sheegay in aanu dadka dhex gelin.
Weriyaha BBC uga soo warrama Kuuriya ayaa sheegaya in hadda laga cabsi qabo in dhakhtarka uu cudurka u gudbiyay dad badan oo aan la xadidi karin.
Duqa caasimadda Seoul, Park Won-Soon, ayaa ku dhaliilay dowladda dhexe in aanay macluumaad badan ka bixin cudurka.
 
 
 
 

Leave a Reply