Niman loo haystay Toogasho oo la sii daayey

0
284

Booliska dalka Pakistan ayaa qiray in la sii daayey 8 ka mid ahaa 10-kii nin ee loo xidhay isku daygii dil ee Malala Yousafzai oo u ololaysa xuquuqda caruurta.
Madaxa boolsika ee gobolka Swat Valley, Azan Khan ayaa sheegay in sideed ka mid ah tobankii nin ee dacwada la siidaayey kaddib markii lagu waayey wax cadaymo ah.
Sarakiisha Pakistan ayaa sheegay in wakhtigaa iyada ah raggaasi lagu xukumay xabsi daa’in.
Sida qarsoodiga ah ee loo maamulay dacwadaasi ayaa waxa ay su’aalo gelisay in lagu kalsoonaan karo iyo in kale.
Malala ayaa madaxa waxa ka toogtay koox ka tirsanayd Taliban saddex sano ka hor.
 
 

Leave a Reply